Jigjiga (cakaaranews)Talaado 8da August 2017. Tababar kusaabsan nidaamka kaqaybgalina bulshada ee qorshayaasha horumarineed islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiisyada maaliyadaha 10 degmo oo laga xushay degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka ayaa ka bilowday magaalada jigjiga.
Hadaba, Iskuduwaha Qaybta Hay’adaha Caalamiga ah Ee Xafiiska Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI mudane Xuseen Cabdulaahi Cumar oo kamid ahaa macalimiintii casharada bixinaysay ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay kusalaynta qorshaha baahida bulshada iyadoo laga qaybgalinayo bulshada islamarkaana tashiyo kaladuwan lala samaynayo. Si qorshuhu u noqdo mid taabo gal ah baahidii bulshadana kajawaabaya.
Wuxuuna intaasi kudaray in tababarkan gaaban ay kasooqaybgaleen khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiiska maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee 10 degmo oo kamid ah degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka.
Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa kaqaybgalayaasha lasiinayay casharo kuqotama noocyada qorshayaasha wanaagsan ee dhaxalagal ah, qiimaynta iyo dabagalka kaasoo casharaduna ahaayeen mid qoraala iyo kuwo practical ah.