Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo 225 Dhalinyara Ah Ka Shaqaalaysiiyay Barnaamijka Gurmadka Caafimaadka

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), sabti, 22, July, 2017.  Xafiiska caafimaadka DDSI oo ka duulaya taaba galinta siyaasadaha dhinaca caafimaadka ee ku salaysan ka hortaga iyo hirgalinta tayada xarumaha caafimaadka soo saarida bulsho caafimaadk qabta  islamarkaana dadaal xoogan ugu jira  sidii baahi kasta oo dhinaca adeega caafimaad  bulshada deegaanka loo dabooli lahaa ayaa xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya hay’ada UNOPS waxay  225 dhalinyarada ka soo qalinjabisay kuliyadaha caafimaadka deegaanka  ka shaqaalaysiiyeen   barnaamijka gurmadka deg dega ah ee adeega  caafimaadka  barnaamijkaasi oo xooga saaraya hab adeegsiga nafaqada , soo celinta naqada iyo sidii looga hortagilahaa cudurada faafa ee saamaynta ku keenikara bulshada deegaanka.

Haddaba, kulan lagula dar-daarmayay dhalinyarada la shaqaalaysiiyay ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI iyo dhalinyarada la shaqaalaysiinayo.

Waxaana, kulankaasi ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeegnka geedi socodka qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane maxamed ayaanle xasan  oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta istaraatajiyadaha yoolasha caafimaadka ee ku salaysan ka hortaga cudurada faafa iyo nafaqada si loo xoojiyo qorshayaasha ku salaysan soo saarida bulsho caafimaad qabta, waxbaratay oo ka midho dhalisa qorshayaasha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan,  masuulka ayaa sheegay in dhalinyaradan maanta laga shaqaysiiyay barnaamijka gurmadka deg dega ah ee caafimaadka ay ka soo shaqayntoodaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka gaar ahaan kor u qaaditaanka nafaqada iyo ka kortaga cudurada faafa wuxuuna ku simaha wasiirku ku booriyay dhalinyaradan in ay fuliyaan dhaartii iyo balanqaadii ay qaateen maalintii qalinjabintooda  ee ahaa in ay bulshada deegaanka meelkasta oo ay joogto gaadhsiinayaan adeeg caafimaad oo taya leh.

Dhankooda qaarka mid ah dhalinyarada maanta la shaqaalaysiiyay oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay fulinayaan balanqaadoodii ahaa in ay tagaan islamarkaana ka soo shaqeeyaan goobkasta oo ay joogaan shacabka deegaanku islamarkaana gaadhsiinayaan adeeg caafimaad oo tayaysan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>