Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qurba Joogta Ka Soo Jeeda Gobolka Jarar Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Loogu Sameeyay City Crown.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 21ka July 2017 Tan iyo intii ay xukuumada DDSI Dajisay siyaasada  cilmiyaysan oo ku salaysan xidhiidhka arimaha bulshada ee dalka iyo dibada islamarkaana xidhiidhka iyo kulamo  foolka fool ah la yeelatay qurba joogta DDSI ee ku dhaqan dacalada aduuna ayaa waxaa deegaanka  si  istaba  joog ah ugu  soo qul-qulaya  qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ka soo kicitimaya qaaradaha aduunka taasi oo  ay masuuliyiinta DDSI heerarkooda kala duwan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyaan deegaanka  kuwaasi oo kulano sharafeedyo kala duwan u sameeya qurba joogta.

Haddaba,waxa maanta xaflad  hadhimo sharafeed  lagu casuumay qurba joogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka jarar oo uu soo agaasimay Xaaji Maxamed Buraale oo ka mid ah ganacsatada DDSI islamarkaana ay ka soo qaybgaleen qurba joog ka kala timiday dacalada aduunka , ganacsato iyo qaarka mid ah odayaasha deegaanka ayaa  xafladan oo ka dhacday huteelka city crown ee caasimada deegaanka  waxa  ugu horayntii ka  hadlay  wasiirka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii uga mahadnaqay qurba joogta DDSI ee jecal samaha iyo horumarka deegaanka meelkasta oo ay joogaan wasiirka ayaa intaasi ku daray in imaatinka qurba joogta DDSI imanaya deegaankooda ku tusinayo horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka  wuxuuna ugu danbayntii wasiirku ku booriyay qurba joogan in ay deegaankooda galiyaan maalgashi maaliyadeed iyo mid aqooneedbka.

Xubnahan qurba joogta ayaa dhankooda ugu mahad naqay masuuliyiinta DDSI iyo shacabka deegaanka sida walaaltinimo iyo wadaniyada leh ee ay u soo dhaweeyaan qurba joogta iyaga oo balan qaatay in ay markasta garab iyo gaashaan u yihiin xukuumada DDSI ee ku hawlan horumarinta bulshad deegaankeena.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>