Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 20ka, July, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI ee jigjiga tababar uu soo diyaariyya xafiiska caafimaadka DDSI oo ku saabsan hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheelitiran balanced score card  (BSC).

Tababarkan oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa waxaa loo hayay madax xafiiseedyada caafimaadka degmooyinka deegaanka iyo maamul magaalooyinka DDSI iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI waxaana soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI.

Waxaana soo xidhitaankiisii ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi  socodka qorshaynta iyo dabagalka  xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu lahaa tababarkan  isaga oo sheegay in si looga midha-dhaliyo  hadafka iyo himilada istaraatajiyadaha caafimaadka loo baahan yahay  hirgalina  adeeg caafimaad oo  ku saleysan baahida iyo rabitaanka bulshada  taasi oo ah si loo hanto natiijada yoolalka horumarka siyaasada caafimaadka islamarkaana la  hirgaliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada u dajisan deegaanka iyo dalkaba gaar ahaan barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheelitiran (BSC)  oo daba  socday barnaamijkii dib u hindisida geedi socodka shaqada ee ( BPR) wuxuuna ku simaha wasiirka caafimaadku  tilmaamay in uu barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran yahay mid tilmaamaya istaraatajiyadaha tabaha iyo xeeladaha lagu gaadhayo hadafka iyo himilada xafiisaka caafimaadka  wuxuuna ku booriyay xubnahan qaatay tababarkan  in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan cashiradii ay ka barteen mudadi uu socday tababarku si loogu midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Dhankooda xubnihii qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in ay fahan buuxa ka qaateen hanaanka loo taabo galinayo barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran ee afka qalaad loo yaqaano balanced score card (BSC) islamarkaana ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan marka ay ku noqdoon goobtii shaqada. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>