Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Ku Saabsan Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

jigjiga(cakaaranews) Khamiis 13ka, July 2017.waxaa ka furmay magaalada jigjiga tababar uu soo diyaariyay xafiiska cafimaadka DDSI oo ku saabsanaa diyaarinta iyo fulinta qorshayaasha adeega caafimaadka taasi oo laga duulayo barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheelitiran ee afka qalaad lagu yidhaahdo Balanced Score Card (BSC) ee dhinaca adeega caafimaadka, waxaana loo qabtay dhamaan madax xafiiseedyada caafimaadka degmooyinka, maamulka magaalooyinka, maareeyayaasha xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaaloyinka DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan islamarkaana tilmaamay in in hirgalinta iyo kudhaqmida barnaamijkan BSC uu yahay mid lagamamaarmaan ah faaiido badana uleh dhanka adeeg bixinta adeegyada caafimaadka.

wasiirka ayaa intaasi ku daray in barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran yahay mid suurta galinaya ka guul gaadhida qorshayaasha adeega caafimaadka gaar ahaan adeega caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada ee ay bixiyaan xarumaha caafimaadka deegaanku. Wuxuuna  ku booriyay kaqaybgalayaashii tababarkan in ay ka faaiidaystaan, fahan buuxana ka qaataan mudada uu tababarkani socdo si looga guul gaadho ujeedooyinka qorshayaasha caafimaadka.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii tababarka oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay sifiican uga faaiidaysanayaan islamarkaana ay ka dhaqangalainayaan goobihii iyo xarumihii ay kakalayimaadeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>