Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 12ka July 2017.Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI.
Hadaba kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo xaqiijintii tirada kooramka xildhibaanada kadib soo bandhigay anjandayaasha iyo bayaanada horyaala kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen anjandaha hadal qoraalkii kal-fadhigii 4aad, ansaxinta warbixinta waxqabadka golaha xildhibaanada DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009TI, ansaxinta warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009ti, warbixinta waxqabadka hantidhawrka guud ee DDSI ee sanadka 2009TI, iyo warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee DDSI ee sanadka 2009ti.
Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay in ay kal-fadhigan 5aad horyaalaan bayaano door ah oo ay ka mid yihiin ansaxinta bayaanka miisaaniyada dheeriga ah ee sanadka 2009ti, ansaxinta bayaanka miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyeedka 2010ti, ansaxinta bayaanka dib loo habeeyay ee xafiiska ganacsiga , gaadiidka iyo warshadaha DDSI, ansaxinta bayaanka aas aaska shirkada horumarinta shaqo abuurka ee tabac iyo maal,ansaxinta bayaanka aas aaska shirkada horumarinta iyo suuqgaynta xoolaha DDSI. Kal-fadhigan oo maanta furmay ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyada oo anjandayaashan iyo bayaanadan si qoto dheer ay uga doodidoonaan xubanaha golaha xildhibaanada DDSI.