Jigjiga(cakaaranews)Talaado 11ka July 2017. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay wakaalda dakhliga DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaybaha kala duwan ee ganacsatada Deegaanku ayaa sihabasami leh uga qabsoomay magaalada jigjiga.
kulankan ayaa wuxuu kusaaabsana sidii fahan buuxa looga siin lahaa dhamaan ganacsatada deegaanka nidaamyada cusub ee dakhliga ee bixinta canshuurta wakhtigeeda Iydoo laraacayo bayaanada cusub ee dakhliga ee kala ah bayaanka canshuurta dakhliga ee tirsigiisu yahay -983/2008 iyo bayaanka maamulka canshuurta ee isna tirsigiisu yahay 979/2008. Waxayna Bayaanadani qeexayaan inay isbadaleen bixinta canshuur sanadeedku.
Hadaba, kulankan ayaa waxaa kahadlay Maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Xasan Cali Xasan oo sheegay in isbadalka horumarineed ee deegaanku ay qayb wayn kaqaadanayso canshuur bixinta iyo dakhliga oo lasoo xareeyo islamarkaana loo baahanyahay in ganacsatada iyo bulshaduba fahan buuxa kaqaataan nidaamka dakhliga iyo canshuur-bixinta.
Ugudanbayna ganacsatadii kazoo qaybgashay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay kulankani uu ahaa mid fahanbuuxa ay kaheleen dhanka bayaanada cusub iyo nidaamyada cusub ee canshuur bixinta. Waxayna tilmaameen inay raacayaan tilmaamaha lasiiyay islamarkaana ay dhaqan galinayaan.