Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW Soomaaliya Oo Booqday Jaamacada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 11ka August 2016. Madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigiisa oo uu horkacayo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ahna wakiilka buuxa ee dawlda federalka itoobiya ayaa galabta booqday jaamacada jigjiga iyagoo xafiiskiisa kula-kulmay madaxwaynaha jaamacada Dr. Cabdicasiis.

Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wax kawaydiiyeen madaxwaynaha jaamacada nidaamka shaqada ee jaamacada, tirada ardayda waxkabarata, waaxaha waxbarashada ay jaamacadu bixiso, nidaamka maamulka iyo shaqaalaha iwm.

kadibna madaxwaynaha jaamacada Dr. Cabdicasiis oo dhamaan su’aalahan uga jawaabay madaxwaynaha soomaaliya iyo waftigiisa ayaa sheegay in jaamacadu ay leedahay qaab dhismeed dhamaystiran oo kakooban hogaaminta jaamacada, maamulka miisaaniyada, maamulka shaqaalaha,  waxbarashada, macalimiin, shaqaale hoosaad iyo arday. Wuxuuna madaxwaynaha jaamacadu intaa ku daray in jaamacadu leedahay hogaamin sare oo gudi ama board kumaamusha oo uu gudoomiye kayahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo in tirada guud ee ardayda waxkabarata jaamacadu ay tahay 21kun  oo arday oo barata culuumta kaladuwan ee degreega 1, aad iyo ka 2, aad iyadoo doctoratekiina bilawday meesha tirada shaqaaluhuna ay kor u dhaafayso 1,800 oo shaqaale kaladuwan ah. Wuxuuna madaxwaynaha jaamacadu iyadoo qoraal ah uu siisay structureka, noocyada waxbarashada iyo nidaamka maamulka intaba madaxwaynaha soomaaliya.

Hadaba madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay qaabdhismeedka jaamacada, heerarka aqoonta ee ay bixiso iyo waliba noocyada waxbarashada. Wuxuuna sheegay inaysan aduunka kajirin jaamacad luuqada afka soomaaliga oo degree ah bixisa xataa dawladaha soomaalida marka laga reebo jaamacada jigjiga.

Ugudanbayna, waxay madaxwaynaha iyo waftigiisu soo indha-indheeyeen laba library oo kamid ah libraryada jaamacada kuwaas oo ay yaalaan qalabkii practical wax loogu barayay ardayda iyadoo xiligii jaamacada ay indha-indhaynayeen wufuudu ay ardaydu  soo buux dhaafiyeen goobtaas islamarkaana ay si wayn usoo dhaweeyeen. Madaxwaynaha soomaaliya ayaana ardaydaas kudhiirigaliyay inay waxbarashadooda kudadaalaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>