Jigjiga(Cakaaranews) jamce, 29ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka tababar khibrad wadaag ah oo maalmahanba xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga socday dhalinyaro kasocotay dawlada soomaaliya ee aan dariska nahay usoo xidhay isagoo casharana kasiiyay dhinaca ladagaalanka argagixisada.
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane CMC ayaa ugu horayn isagoo tusaalaynaya dhalinyarada uga xog-waramay isbadaladii kaladuwanaa ee uu soo maray deegaanku iyo caqabadihii ururada xagjirka ah ay kuhayeen shacabka iyo horumarka deegaankaba. Wuxuuna uqeexay sababihii lagaga gudbay dhibaatooyinkii nabadiidkii caqabada ku ahaa in dadku nolol iyo horumar helo oo habayaraatee aan maanta deegaanka kajirin. Madaxwaynaha ayaana carabka kudhuftay in cadawga 1, aad ee shacabka soomaaliya uu yahay si lamid ah shacabka deegaanka saboolnimada islamarkaana saboolnimada lagaga bixi karo oo kali ah in xukuumada iyo shacabka oo wada jira ay uguntadaan kamidho-dhalinta qorshayaasha horumarineed. Wuxuuna intaa kudaray in lafdhabarta dawlad kasta kudhisan tahay ay yihiin dhalinyaro caafimaad qabta oo aragti shacab, aragti horumarineed iyo kago’naanshiiyo leh. Madaxwaynaha oo hadalka sii wata ayaana usheegay dhalinyarada inaysan al-qushaash waxba dili karin hadii shacabka soomaaliya oo ay uhoreeyaan dhalinyaradu uguntado xasilinta dalkooda. madaxwaynaha ayaana umahadceliyay dawlada jabaan iyo ururka IGAD kaalinta ay kuleeyihiin tababarkan.
Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay casharada ay qaateen ay uga faaiideeyaan bulshada inteeda kale islamarkaana ay kudhiiradaan wacyigalin balaadhan oo dalkoo dhan ah.
Ugudanbayna, dhalinyarada dawlada federalka soomaaliya ee tababarka qaadatay ayaa bogaadiyay khibrada wayn ee ay kakorodhsadeen tababarka islamarkaana uga mahadceliyay xukuumada iyo XDSHSI. Waxayna sheegeen in deegaanku yahay dalkoodii labaad oo uusan tababarkani ahayn dhamaad balse yahay bilow iyagoo kadibna kamarkhaati kacay, qirayna horumarka laxaadka leh ee kahirgalay deegaanka.
Dhalinyarada ayaana caawa loogu tumi doonaa dhaantooyinkii dhaqanka deegaanka hoolka Kali ee xarunta madaxtooyada.