Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagaga Hadlayay Barnaamijka Shabakada Badbaadada Waxsosarka Oo ka dhacay Hawaasa.

$
0
0

Hawaasa(cakaaranews) jimce, 5ta August, 2016 Kulan wadatashiya oo lagaga hadlayay waxqabadkii 2008TI  ee  barnaamijka shabakada badbaadada wax soo saarka (PSNP) islamarkaana loogu diyaar baroobayay hirgalinta Qorshaha shaqo Abuurka ee Sanad Miisaniyadeedka 2009TI ayaa ka dhacay caasimada deegaanka shucuubta koonfurta ee hawaasa.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socotay  xafiisyada beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee deegaanada, xafiisyada maaliyadaha xafiisyada, arimaha bulshada iyo qaarka mid ah wakaaladaha deegaanada dalka,  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadashay wasiiru dawlaha wasaarada beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee JDFI marwo Siciida Khadiir waxayna ka warbixisay jihooyinka iyo istaraatajiyada horumarineed ee uu leeyahay barnaamijkani waxayna sheegtay in guulo waawayn laga soo hooyay  fulinta qorshayaasha barnaamijkan.

Marwo siciida   ayaa  si qoto dheer ugu nuux nuuxsatay islamarkaana  mahadnaq balaadhaan u soo jedisay Hoggaaminta deegaanka Soomaalida itoobiya  oo wakhti xadirkaan ahmiyada weyn siisay ayay tidhi’   faa'iideysiga Barnaamijkaan  si buxda u hirgaliyey qorsheyaal waweyn oo dal ahaan lagu diirsan Karo. Waxayna   tusaale u soo qaadatay  in  deegaanka soomalida gaar ahaan degmooyinka uu ka hawlgalo  Barnamujka PSNP  ay  ka faa'iideystayashu raashin ku qadan jiray  hada ka hor  in  maanta hal mar logu badaley nidaamka  bixinta Lacagta kaashka ah. Hadaba, arrintaan oo ku xidhneyd in shurudo badan la maro ayaa deegaanka taasi oo  u surtagashey in mudo yar lagu buxiyo dhamaan shurudihii. waxayna ka codsatay wasiiru dawluhu masuuliyiinta ka socday deegaanka soomalida itoobiya  in ay soo bandhigaan, fahfaahina ka siiyaan degaanada kale ee dalka si ay  khibrad uga qatan deegaanka soomalida.

Wasiir ku xigeenka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw  Cali oo ka mid ahaa  masuuliyiinta ka qaybgashay kulankaa  ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka barmaamijkan PSNP ee DDSI wuxuuna tilaamay in guulo waawayn laga soo hooyay guud ahaanba qorshayaashii u yaalay hirgalinta barnaamijkan.  wuxuuna tilmaaya  in sanadkan la hirgaliyey nidaamka Lacagbixinta iyo Xaadirinta  (Payroll Attendance Sheet System), iyo Qeybinta Buuga ka faa'iideystayasha barnamujkaan oo wareegiyadi hore aan dhaqan galin  taaso suragalisay cadcadaan, islaxisaabtam & shaqooyinka  muuqda.

Masuulka oo hadalkiisa sii wada ayaa sharax dheer ka bixiyay tabihii iyo xeeladihii fulineed ee ay xukuumada DDSI ku hirgalisay tayaynta iyo  kor u qaadita waxqabadka barnaamijkan, wuxuuna tilmaamay in  hawshani lacag bixinta ay  bulshada DDSI  u suragalisay ama ku dhirigalisay in ay dhulka ku fooraar sadaan korna loo qaado wax soo saarka beeraha.

isku soo wada duub oo guulahan DDSI ka soo hooysay  waxqabadka barmaamijkan PSNP ayaa waxaa  kaalin culus kaga jirta islamarkaana masuuliyiinta ka soo qaybgashay kulankan aad ugu bogeen in shacabka DDSI ay door bideen in raashinkii la siinayay lacag loogu badalo taasi oo suurgta galisay  in markii lacag laga dhigay wax soo saarkoodu kor u kacay. dawlada fadaraaalk ayaa raashinka ku soo dajisa lacag dooladh ah. balse maanta deeqahan  barnaamijkan  lagu helayo lacag lagu xoojiyo wax soo saarka.   

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>