Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Booqday Goobo Kamid ah Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 10ka August 2016. Kadib soo dhawayntii diiranayd ee saaka ayaa islamarkiiba waxay madaxwaynaha dawlada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigiisa oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay booqasho indha-indhayn iyo khibrad qaadasho ah kugaadheen dhawr goobood oo xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kamid ah oo ugu horeeyo dhismaha mashruuca balaadhan ee kasocda agagaarka xarunta madaxtooyada DDSI iyagoo halkaa kulakulmay qaar kamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka iyo waliba madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soo maray.

Kadibna, waxay booqashadoodii kusii mareen xarunta madaxtooyada DDSI iyagoo kuhoreeyay hoolka wayn ee shirarka ee Kaali islamarkaana hoolka hortiisa salaan sharafeed kaga qaatay ciidanka baambayda ee deegaanka. Halkaana ugasii gudbay xafiiska madaxwaynaha DDSI.

Waxaa kadibna looga dhaqaaqay dhinaca haanka wayn ee kaydka biyaha iyo bakhaarada qalabka oo loo sii dhaafay machadka tababarada maaraynta maamulka oo ay kulakulmeen arday tiro badan  oo si heer sare ah halkaa ugu soo dhaweeyay.

Waxaa iyana lama iilaawaan ah in booqashadan lagu tagay cisbitaalka wayn ee Meles Memorial Refferal Hospital iyo kuliyada xirfadaha iyo farsamada ee jigjiga polytechnic college.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha dawlada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigiisa ayaa si wayn uladhacay islamarkaana uriyaaqay waxyaabihii ay indhahooda kusoo arkeen iyo socdaalkii magaalada dhexdiisa ahaaba iyagoo sheegay inay cilmi wayn iyo aqoon dheeraad ahba kakorodhsadeen. Waxayna bogaadiyeen islamarkaana kamaragkaceen horumarka laxaadka leh iyo xasiloonida deegaanka taala oo ay kutilmaameen inaysan jirin wax loo dhigo oo ay yihiin kuwo in lagu daydo mudan.

Si kastaba ha ahaate, waxay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kulan kula yeesheen xili casar gaabadkii ah golaha kabineetka DDSI.

Kulankaas oo uu ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayuu madaxwaynaha soomaaliya iyo waftigiisaba uga xog-waramay in itoobiyada cusub ee maanta ay tahay mid dimoqraadiyad, sinaan iyo cadaalad kudhisan oo uu mideeyo dastuur mid ah. Waxaa kale oo uu sharaxaad kooban kabixiyay xaaladihii qalafsanaa ee uu deegaanku soo maray iyo dhibaatooyinkii ay kuhayeen ururada argagixisada ahaa sida ubbo, al-itaxaad iwm iyo waliba sida uu kuyimid isbadalka balaadhan ee kahanaqaaday deegaanka. Wuxuuna madaxwaynaha ugu hambalyeeyay islamarkaana uga mahadceliyay booqashada tooska ah ee uu kuyimid deegaanka soomaalida itoobiya isagoo sheegay inay tahay taariikhda markii 1,aad ee uu madaxwayne kasocda dawlada soomaaliya ee aan dariska nahay oo xilka madaxwaynenimada haya uu kuyimaado deegaanka soomaalida itoobiya. Madaxwayne CMC ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in xukuumada federalka ah ee itoobiya iyo ta deegaankuba ay kago’an tahay taageerida, taakulaynta iyo garab-istaaga nabada iyo midnimada soomaaliya.

Dhankiisana, madaxwaynaha dawlada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kawarbixiyay xaalada soomaaliya iyo halka ay maanta marayso oo sheegay in isbadal wayni uu kamuuqdo. Wuxuuna carabka kudhuftay in fikirkii cidhiidhyanaa ee itoobiya iyo soomaaliya udhaxayn jiray laga soo gudbay oo maanta lajoogo itoobiyada cusub iyo soomaaliyada cusub isagoo sheegay in socdaalkan taariikhiga ah uu cadaynayo isbadal kudhisan isjacayl, daris-wanaag iyo walaaltinimada labada wadan. Madaxwaynaha ayaana dawlada federalka ah ee itoobiya uga mahadceliyay ciidamada Amisom-ethiopia ee dhiigooda iyo naftoodaba uhuraya sugida amniga shacabwaynaha soomaaliya kusugan iyo ciidanka dheeriga ah ee ay itoobiya kacodsadeen oo ay kharashkooda bixiso dawlada federalka itoobiya. Wuxuuna hadalkiisii kusoo gunaanaday inuu kufaraxsan yahay inay maanta khibrad iyo aqoonba kahelaan dawlada deegaanka soomaalida itoobiya oo ah dawlad deegaan itoobiyaan ah islamarkaana ay walaalnimo luuqad, jinsi, dhaqan iyo diinba wadaagaan balse ay yihiin dad kala dawlado ah isagoo kamahadceliyay soo dhawayntii iyo cilmiga ay kakorodhsadeenba.

Ugudanbayna, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa loo dheelmiyay guriga martida ee Qaryaan Dhoodaan. Halkaas oo casho-sharafeed soo dhawayn ah loogu sameeyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>