Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wareegii 21aad Ee Ol-olaha Talaalka Ka Hortaga Cudurka Dabaysha oo bilaabmay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), jimce 5ta August, 2016 Waxaa guud ahaanba  maanta ka bilowday deegaanka wareegii 21aad  ol olaha talaalka ka hortaga   cudurka dabaysha (polio) oo lagu talaalayo caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir.

Haddaba munaasabadii   lagu daah furayay wareega 21aad ee ol olaha talaalka cudurka dabaysha oo uu si meeqaam sare ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya wasaarada caafimaadka ee JDFI iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska   ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Waxaana, ka soo qayb’galay furitaankii xafladaasi masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka, masuuliyiinka socoday hay’adaha ay bahwadaata yihiin xafiiska caafimaadka DDSI iyo waalidiin keenay  caruurta  goobta ay ka socoday munaasabadu.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladaasi maareeyaha mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanta RIF mudane Shaafici Daahir muuse  oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha, siyaasada iyo qorshyaasha xafiiska caafimaadka ee ku wajahan ka hortaga iyo dabar go’gaynta cudurada faafa, sidaasi darteedna talaalkan cudurka dabaysha looga talaalayo xaruurta da’doodu ka yartahay 5ta sano ay tahay ka midho dhalinta  hirgalinta qorshyaasha caafimaadka wuxuuna kula dar daarmay waalidiinta in ay ka soo baxaan waajibaadka daryeelka ilmadooda si loo xaqiijiyo cidhibtirka cudurta dabaysha.

Dhankiisa ku simaha  gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadita adeega caafimaadka iyo ka hortaga cudurada ahna xidhiidhiyaha kor u qaadita adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi ayaa  si qoto dheer  uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkani lagaga hortagayo cudurka dabaysha (polio). Wuxuuna sheegay in  talaalkan ka hortaga cudurka dabaysha ee wareega 21aad guud ahaanba deegaanka laga talaalayo caruur dhan 996,832. Waxaa  kale oo uu tilmaamay in dalkeena itoobiya ku guulaystay hakinta fiditaanka cudurka dabaysha( stop polio) wuxuuna  u gubday hadda dalku ayuu yidhi masuulku dabar gaynta cudurkan dabaysha. Wuxuuna ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka  qayb’qaataan ol olaha talaalka cudurka dabaysha una diyaariyaan caruurta  maadaamo oo ay  xirfadlayaasha caafimaadka guri’guri  u gaadhayaan.

gababagadii xafladaasi  ayaa waxay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI    dhibicdii ugu horaysay ee wareegan 21aad ku talaalay qaarka mid ah caruurtii loogu talagalay talaalkani ee goobtayn xaflada joogtay 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>