Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar U Soo Xidhay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca, 3da August, 2016 Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa  tababar u soo xidhay  xirfadlayaal caafimaad oo muddo 21 maal mood ah ku qaadanayay cusbitaalka wayn ee Meles Memorial Referral Hospital "Tababarka daryeelka aasaasiga ah ee xaalada dag-daga ah ee xiliga dhalmada la siiyo hooyada iyo dhalaanka”Basic Emergency Management of Obstatric and New born Care (BEMONC).

tababarkaa oo ay  ujeedadiisu ahayd mid lagu  kobciyo aqoonta iyo fal'tusaaleed ka (practical) xirfalayaasha xarumaha caafimaadka ee ku hawlan bixinta adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, ayaa waxay  xirfadlayaashan ka socdeen xarumaha caafimaadka  gobolada  Faafan, Qoraxay, Afdheer iyo Liibaan  gaar ahaan xarumaha uu taageero mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka (RIF)

Munaasabadii soo xidhitaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha masharuuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka (RIF) mudane Shaafici Daahir Muuse oo kula  dardaarmay tababartayaasha in cilmigii iyo fal'tusaaleed kii ay mudada dheer ee 21 maalmood ah baranayeen  ugu adeegaan bulsha dooda si hagar la'aan ah una sii gudbiyaan aqoontan ay barteen xirfadlayaasha kale een fursadan helin.

qaar ka mid ah tababartayaasha oo la hadlayay warbaahinta ayaa tilmaamay  faa'iidooyinka ay ka heleen tababarkan, ayaa waxay sheegeen in ay ka heleen aqoon iyo farsamo u suura galinaysa inay adeegan si kalsooni ah uga bixin doonaan xarumihii ay ka yimaadeen oo ayna soo gud'bin doonin hooyo dambe oo u baahata taryeelka aasaasiga ah ee xaalada dagdaga ah ee daryeelka hooyada iyo dhalaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>