Jigjia(cakaaranews) Isniin, 1da August, 2016. shir lagu qiimaynayo waxqabadkii iyo geedi socodyada fulineed ee qorshaha dib u dejinta iyo nidaamka adeeg bixinta horumarka aas aasiga ah ee goobaha dib u dajinta looga sameeyay bulshada ayaa ka furmay hoolka shirarka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI.
shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socoday wasaaradaha heer fadaraal ee taageerada gaarka ah siiya degmooyinka laga wado dib u dajinta, iyo masuuliyiin ka socotay xafiisyada DDSI ee bahwadaagta ku ah fulinta qorshaha dib u dajinta. kuwaasi oo ay ka mid yihiin xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI, caafimaadka. waxbarashada, beeraha, biyaha , xafiiska xoolaha, xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI iyo xarunta dhexe ee XDSHSI.
Shirkan qiimaynta ah ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii diirada loogu saarilahaa natiijooyinka waxqabadka iyo fulinta qorshayaasha dhinaca dib u dajinta ee sanad miiyaaniyeedka 2008TI islamarkaana loogu diyaar garoobayay hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshaha dib u dajinta 2009TI
Waxaana shirkan qiimaynta ah furitaankiisii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan oo sheegay in uu yahay mid lagu qiimaaynta qorashayaasha iyo geedi socodyada lagu xaqiijinayo gaadhista natiijada fulineed ee dhinaca dib u dajinta. wuxuuna tilmaamay wasiirku in mudada uu shirkani socda lagu soo bandhigidoono warbixinta waxqabadka xafiisyadani ka qabteen fulinta qorshihii u yaalay 2008TI. Gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah ee la gaadhsiinayo bulshada la dajiyay goobaha dib u dajinta sida adeega caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Shirkan qiimaynta ah oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxa lagu eegidoonaa natiijada warbixinta waxqabadka qorshaha la qiimayana ee ay soo bandhigaan xafiisyadan loo qaybtay shirka. Sidoo kale waxaa lagu eegidoonaa geedi socodka iyo fulinta qorshaha 2009TI iyada oo tusaale iyo waayo aragnimo laga qaadanayo qorshihii sanadkaasi hore.