Qalloocan (cakaaranews) sabti, 30ka July, 2016 Wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha gobollka Doollo Mudane Maxamuud Cali Axmed oo ay kuwehelinayaan kusimaha gudoomiyaha degmad galaadi Mudane Muxiyadiin Maxamuud Sullub iyo saraakiil kasocoday booliska gobolka doolo ayaa kulan layeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan degmada Galaadi.
Kulankaasi oo kadhacay tuulada qalloocan oo katirsan degmad galaadi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii dar dargalin lahaa horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Waxaana kulankaasi ugu horayntii kahadlay gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamuud Cali Axmed oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada kulankaasi isagoo sheegay inay tahay sidii loo sii dar dargalin lahaa hawlaha horumarka iyo nabadgalayda. Gudoomiyaha ayaa bulshada u soo bandhigay qorshayaasha xukuumada DDSI udajisan ee kusalaysan hirgalinta hawlaha horumarka iyo xasiloonida. Gudomiyaha ayaa sheegay inaysan qorshayaashaasi hirgalaynin haddii aan laga qaybgalin oo ayna doorkooda kaqaadan qaybaha kaladuwan ee bulshada.
Dhankooda qaar kamid ah qaybaha kaladuwan ee bulshada oo kahadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay mas'uuliyiinta. waxayna sheegeen inay kasoo baxayaan doorka kaga aadan hirgalinta hawlaha horumarka iyo sii adkaynta hawlaha nabadgalayda iyagoo kamahadceliyay imaanshaha mas'uuliyiinta.