Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 28ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo soo gunaanaday kulankii wadatashiga xukuumada iyo cuqaasha gaashaamo oo mudo laba maalmood ah socday ayaa mas'uuliyiinta ciidanka difaaca qaranka, ciidanka federal booliska iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska kusoo dhaweeyay inay kawarbixiyaan sidii ay udhacday xaaladii jaamac-dubad islamarkaana kacodsaday cuqaasha inay inay iyana soo dhigaan islamarkaana ay kahadlaan.
Hadaba janaraalka ciidanka difaaca qaranka ee kifladoorka 13, aad janaraal khadiir, janaraalka guud ee ciidanka liyuu booliska janaral Cabdiraxmaan Cabdulahi Buraale iyo korneelka ciidanka federal booliska qaybta bari korneel Ababe Berhane ayaa kawarbixiyay sidii ay wax udhaceen oo ahayd in gaadhi kontarabaan ah uu kudhacay ambalastii degmada kadibna ay ciidanka federalka, ciidanka qaranka iyo ciidanka liyuu booliska oo wadasocda ay halkaa u tageen inay soo kaxeeyaan gaadhiga. Waxaana dhexda u galay dablay hubaysan oo kontarabandhistayaal ah si ay gaadhiga uga furtaan ciidanka. Waxayna hub iyo ciidanba kusii abaabuleen qabalaha jaamac-dubad. Halkaas oo ay ciidamada dhufays ugu galeen islamarkaana ay kuxabadeeyeen.
Kadibna waxaa kulanka kahadlay cuqaasha gaashaamo oo ugu horayn madaxwaynaha ugu mahadceliyay xaqiiqada warbixintii uu xalay soo jeediyay islamarkaana cadeeyay in warbixinta ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta ciidamadu ay tahay mid xaqiiqada kusalaysan oo ciidamada laga gardaraa. Waxayna hoosta kaxariiqeen in ciidanka liyuu boolisku uu yahay ciidan deegaanku wada leeyahay oo xasiliyay nabadgelyada deegaanka islamarkaana aan marnaba qabiil lagu tilmaami Karin. Waxaa kale oo ay suldaamada, ugaasyada, caaqilada, culimo-awdiinka iyo aqoonyahanadu kamarkhaati kaceen horumarka laxaadka leh ee deegaanka kahanaqaaday iyagoo kulankana kutilmaamay mid taariikhi ah iyo in hirgalinta saraynta sharcigu ay tahay mid muqadas ah. Waxayna balanqaadeen inay xukuumada iyo ciidamadaba kalashaqaynayaan dhinacyada amniga, ladagaalanka ganacsiga sharci-darada ah iyo iskuxidhka bulshada iyo ciidamada iyagoo hoos udhaadhicin doona wacyigalin balaadhan ilaa heer tuulo. Waxayna cuqaashu kusoo xidheen hadalkoodii baaq nabadeed iyo codsiyo dhanka horumarinta ah.
Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo soo gunaanaday kulanka ayaa soo dhaweeyay baaqa nabadeed iyo codsiyada horumarka isagoo usheegay in iyadoo loo eegayo awooda xukuumada deegaanka lafulin doono codsiyada dhanka horumarka islamarkaana wixii kabaxsan awooda heer deegaan loo gudbin doono xukuumada dhexe. Wuxuuna cuqaasha uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee ay uga hadleen kulanka islamarkaana wuxuu ilaahay kabaryay inaysan dib danbe udhicin xaaladani. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray in lawada tagi doono degmada gaashaamo oo wacyigalin balaadhan laga samayn doono isagoo gudi usaaray. Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay amaan balaadhan oo uu usoo jeediyay odayaasha iyo dhamaanba shacabka gaashaamo.kulanka ayaana kudhamaaday guul.