Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28ka July, 2016 Si looga midho dhaliyo istaraatajiyadaha, jihooyinka iyo yoolasha lagu hirgalinayo qorshaaha horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI ayaa waxay xukuumada DDSI iyo xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI u dajisan tabo iyo xeelado suurta galinaya xoojinta iyo fulinta qorshayaashaasi.
Waxaana ka mid ah tabahaasi, xoojinta iyo awood siinta cududa waxbaratay oo ku gaashaaman xirfad, aqoon iyo karti taasi oo salaysa gaadhida horumar dhaqaale waara. Haddaba xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI ayaa waxa u hayaa fursad waxbarasho oo ah heerka degree
Fursadan waxbarasho oo ay fulinayso jaamacada civil service Universality ayaa waxaa lagu baran doonaa culuunta kala ah:- 1 urban management, 2 urban engineering, 3 urban land management and information system iyo ta afraad oo ah surveying engineering and mapping. Cilmigan ayaa ah kuwa lagu xoojinaya horumarina maamulada magaalooyinka DDSI.
Waxayna diwaan galintu bilaabmaysaa 21ka bishan Hamle 2008TI waxayna socon doontaa ilaa 27 bisha hamle 2008TI taasi oo ka bilaabmaysa xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI halka ay maamulada magaalooyinka Goday, Qarbidahar iyo Dhagabuur isla taarkiikhdaasi diwaangalintu ka furmayso xafiisyada maayirada magaalooyinkaasi.
Shuruudaha looga baahan yahay is diwaangaliyayaasha:- ayaa ah shahaadada dugsiga sare ama 12aad oo ay dhibcaha wiilashu gaadhsiisan yihiin 340 halka dumarka looga baahan yahay dhibcaha 330 oo ah Natural science, halka social science looga baahan yahay in ay haystaan dhibcaha ah wiilasha 315, dumarka 305, sidoo kale waxa la diwaangalinayaa qofkii haysto TEVETka ah level 4 oo ay raacsan tahay shahaadada xaqiijinta tayada ardayga COC.
Wixii faah faahin ah kala xidhiidh xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI.