Dhagaxbuur(Cakaaranews) Isniin 1da May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalintii shalay ahyd xadhiga kajaray mashaariico horumarineed islamarkaana ku caraabay magaalada qabridahar ayaa maantana sidoo kale xadhiga ka jaray mashaariico horumarineed oo waawayn.
Haddaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariico waawayn oo ay ka mid yihiin mashruuca waraabka beeraha ee maraacaato oo ka mid ah mashaariicaha waawayn ee bulshada lagaga saarayo saboolnimada waxaana ku baxay mashruucan aduun lacageed oo dhan 160 millayn oo bir kaasi oo lehna 4 goobood oo biyaha lagu kaydiyo wuxuuna waraabinayaa dhulbeereed dhan 9kun oo higtar. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu xadhiga kajaray mashruuca waraabka beeraha ee wijiwaaji oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 188 millayn oo bir kaas oo leh 5 goobood oo biyaha lagu kaydiyo wuxuuna waraabinayaa dhulbeereed dhan 6000 oo higter.
Intaasi ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar xadhiga ka jaray kuliyada waxbarashada macalimiinta ee qabridahar oo ay dhismaheedu ku baxday aduun lacageed oo dhan 86 millyan oo birr, Taas oo ay wax ka barandoonaan ardayda gobolada Shabeele, Afdheer, Liibaan, Doolo iyo Qoraxey. Sidoo kale waxa uu madaxwaynaha DDSI xadhiga ka jaray cusbitaalka waayn ee magaalada qabridahar oo ah cusbitaal casriya oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 30 millayn oo birr, cusbitaalkan oo leh dhamaan waaxaha ay cusbitaaladu leeyihiin oo casriya ayaa waxa uu leeyahay 320 qol iyo 350 sariidood.
Kadib markii ay madaxwaynaha DDSI iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo xadhiga ka jareen mashaariicahaas kaladuwan ee horumarineed ayaa waxay u soo baxeen dhinaca magaalada dhagaxbuur oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin.