Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 27ka April 2017. Xubno ka socday golaha wakiilada shacabka JDFI gaar ahaan gudiga qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka ee golaha wakiilada shacabka JDFI ayaa kulan la yeeshay qaarka mid ah ganacsatada DDSI.
Hadaba kulankaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay gudigan ka socda golaha wakiilada shacabka JDFI iyo ganacsatadani iskaga xogwaraysan lahaayeen heerka uu marayo ganacsiga deegaanku ,sida loo hirgaliyay sharciyada iyo bayaanada ku salaysan dhinaca ganacsiga dalka iyo sida ay ganacsatadu uga foojigan yihiin ganacsiga sharcidarnada ah.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Ibraahin Maxamed Muxumed oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankan isaga oo sheegay in uu yahay mid ku salaysan xog ururin ay guud ahaan dalka ka samaynayaan gudiga qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka ee golaha wakiilada shacabka JDFI si loo xoojiyo guud ahaanba ganacsiga dalka loona gufeeyo haddii ay jiraan gol-daloolo ka jirta dhinaca ganacsiga.
Qaarka mid ah gudigan qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya sanadihii ugu danbeeyay ka guul gaadhay kor u qaaditaanka ganacsiga deegaanka hirgalinta ganacsiga sharciga ah iyo la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah waxayna sheegeen in isabalka balaadhan ee dhinaca horumarinta ganacsiga ee deegaanku ku yimiday dadaal ay sameeyeen xukuumada DDSI iyo ganacsadada deegaanku loona baahan yahay in dadaalkaasi la sii xoojiya waxayna intaasi ku dareen in mudada ay joogaan deegaanka u kuurgalayaan geedi socodka ganacsiga deegaanka gaar ahaan ganacsiga ganacsatada ka hawlgala dhoofinta, soo dajinta iyo ganacsiga cashuur dhaafka ah.