Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca (DRDIP) Oo Ka Qabsoomay Magaalada Qabribayax

$
0
0

Qabribayax(Cakaaranews) Talaado 25ka April 2017. Kulan lagu daahfurayay mashruuca (DRDIP) oo ujeedadiisu ahaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu, kasoo ka shaqayn doono saamaynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada iyo saamaynta uu ku reebay ayaa ka qabsoomay magaalada qabribayax.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiyaha Degmada qabribayax Marwo Luula Yuusuf Rooble oo sheegtay inuu mashruucani yahay mid muhiim u ah bulshada islamarkaana goobo badan oo caalamka iyo deegaano kamid ah dalkeena ka shaqeeyo, isagoo waliba 4 degmo oo deegaankeena ahna ka howlgali doona, Waxayna gudoomiyhu intaa ku dartay in loo baahan yahay in laga faaiidaysto mashruucan.

Dhanka kale  khabiirka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo khabiirka habnololeedka  xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdi Cismaan ahna howlwadeenada mashruuca cusub ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu (DRDIP) Oo   kawar bixiyaya tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii bulshada fahan buuxa loogasiin lahaa mashruucan cusub  ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu iyo waliba saamynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada, Waxa kaloo masuulku intaa ku daray inay bulshada looga baahan yahay inay fahmaan waxqabadka uu mashruucan ka caawin doono islamarkaana ay ka qaybqaataan howlaha shaqo uu mashruucu qabanayo kana faaiidaystaan.

Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulankan ayaa sheegay inuu kulankan ahaa mid muhiim ah islamarkaaana ay kaafaaidaysan doonaan mashruucan cusub, Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oola shaqayn doonaan mashruucan, maadaama uu yahay mid ka jawaabaya baahida shacabka ee dhanka saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>