Diridhawa,(cakaaranews) Arbaca, 26ka April, 2017. Dhawaan ayay ahayd markii heshiis laga gaadhay soo afjarida khilaafkii hore uga jirayay xuduuda u dhaxaysa deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromiya.
Haddaba, waxaa maanta ka furmay magaalada diridhawa kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo dhaadhicin lahaa ilaa heer tuulo hirgalinta heshiiskaasi dhawaan lagu saxeexay caasimada dalka ee Adisababa. Waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi masuuliyiinta ugu saraysa labada deegaan oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megersa, odayaal dhaqameedka labada deegaan masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha faderaalka, saraakiil ka socotay hay’adaha amniga dalka, iyo saraakiil ka socotay hay’adaha amniga labada deegaan.
Kulankaasi oo lagu soo bandhigayay nuruxka heshiiskii ay dhawaan saxeexeen labada madaxwayne iyo meelmarintiis ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in uu heshiiskani yahay mid waxtar wayn u leh labada shacab ee walaalaha ah, nabad kuwada noolaanshaha labada deegaan , Iskaashiga iyo wada shaqaynta labada deegaan islamarkaana uu kulankani yahay mid hoos loogu dhaadhicinayo taaba galinta iyo meel-marinta heshiiska ilaa heer tuulo.
Dhinaca kale madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megesra oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid soo afjaray dhibaatooyinkii hore uga taagnaa xuduuda labada deegaan iyo shacabka walaalaha ah ee wada daga xuduuda dheer ee u dhaxaysa labada deegaan isaga oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay hirgalinta heshiiskani iyo sidii siwada jir ah loo meelmarin lahaa
Dhankooda odayaal dhaqameedkii ka socday labada deegaan ayaa si qoto dheer u soo dhaweeyay heshiiskan taariikhiga ah ee xalka waara lagaga gaadhay dhibaatooyinkii hore uga dhexeeyay shacabka walaalaha ah waxayna sheegeen in ay si mug leh u xoojinayaan dhaadhicinta iyo hirgalinta heshiiskan. Odayaasha labada deegaan ayaa si qoto dheer ugu mahad celiyay dawlada faderaalka iyo hogaaminta deegaanka somalida iyo oromada gaar ahaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane lemma ee saxeexay heshiiskan dhaxal galka ah.