Filtu(Cakaaranews) Axad 16ka April 2017. Waxaa Maanta La Daahfuray ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Oo Ka Bilaabmay Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan Kaasoo Looga Faaiidaynayo Bulshada Kunoool 7da Degmo Ee Gobolka Liibaan Iyo Nawaaxigeda, Halkaas oo ay bulshadu soo buuxdhaafiyeen Hospitalka Degmada Filtu si ay ooga faaiidaystaan Ololahani Bilaashka Ah Ee Uu XDSHSI Oogu Talagalay bulshadiisa uu waliba oogu keenay goob kasta oo ay ku sugan yihiin bulshada.
Hadaba daahfurkan Ololaha bilaashka ah oo ay ka hadleen Gudoomiyaha Gobolka Liibaan Mudane Cabdi Xuseen iyo madaxa xafiiska caafimaadka Gobolka Liibaan mudane Maxamed Dayib Oo sheegay In ay sirasmi ah udaahfureen Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ee Bilaashka ah Islamarkaana Ay ka faaiidaysan doonaan bulshada kunoool guud ahaanba Gobolka Liibaan.
Geesta Kale Bulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu.
Ugu danbayntii Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maalmaha soo socda kasii socon Doona Hospitalka wayn ee degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan.
|
|