Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka MMJ Oo Beeralayda Ugu Baaqay In Laga Faa’iidaysto Roobabka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 7da April 2017. Madaxa Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilalinta Deegaanka Maamulka magaalada jigjiga marwo Ayaan Maxamuud  Cabdi oo u warantay warbaahinta degaanka ayaa sheegtay in dhamaan bulshada deegaanka ee beeralayda ah ay kafaa’iidaystaan ramxadaha roobabka ee kabilawday deegaanka qaybo kamid ah. Waxayna si gaar ah ulahadashay beeralayda kudhaqan nawaaxiga magaalada jigjiga. Iyadoo xustay in roobabka ka bilawaday caasimada iyo nawaaxigeeda ay bulshada beeralayda ahi kafaa'iidaystaan.

Sidookale, marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in ka xafiis ahaan ay maalmahanba kuhawlanaayeen qaybinta siidhka tayaysan islamarkaana ay qaarkamid ah bulshada beeralayda ah ee kudhaqan nawaaxiga MMJ u qybiyeen siidhadh tayaysan.

Ugudanbayna, waxay ku boorisay dhamaan bulshada kudhaqan nawaaxiga caasimada ee beeralayda ah in cashar laga barto roobyaraantii sanadkii hore islamarkaana si faacan looga faaiidaysto robabkan kabilawday deegaanka Si ay uga hortagaan ceesh iyo calaf la’aan intaba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles