Jigjiga(cakaaranews)Axad 16ka april 2017. Hogaaminta XDSHSI ee ismaamulka Diridhaba ayaa bulshada deegaanka ee ay saamaysay isnbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keentay ugu deeqay deeq lacageed oo dhan 800,000 oo bir (sideed boqol oo kun oo bir) deeqdaas oo ay kasoo jareen mushaarkooda.
Hadaba, deeqdan lacageed ayaa waxaa wakiil ka ahaa madaxa arrimaha XDSHSI ee ismaamulka diridhabe mudane Suubane Cabdi Axmed ayaa uga waramay warbaahinta deegaanka isagoo sheegay in deeqdan lacageed ay kasoojaren mushaarkooda islamarkaana ay ugu deeqayaan bulshada walaalahooda ee abaartu saamaysay. Wuxuuna xusay in lacagtani ay tahay lacag 8 boqol oo kun oo birr ah islamarkaana ay balan qaadayaan inta karaankood ah in bulshadooda ay lagarab taaganyihiin hiil iyo hooba.
Sidookale, deeqdan lacageed ayaa waxaa lawareegay wasiir-kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar Maxamud oo sheegay in deeqdan lagu wareejiyay maanta ay tahay mid ay deegaanka ugu deeqeen hogaaminta Xisbiga laantiisa diridhabe. Wuxuuna xusay in deeqdan ay kasoojareen mushaarkooda islamarkaana ay ugu talagaleen bulshada ay isbadalka cimiladu saamaysay . wuxuuna usoojeediyay mahadcelin balaadhan isagoo xusay in wadaniyad iyo muwaadino ay muujiyeen hogaaminta xisbiga ee diridhabe.
Ugudanabayna, wasiir-kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in lacagtani ay waxwayn u tari bulshada kudhaqaqan gobolada ay abaartu saamaysay.