Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mas’uuliyiinta Degmada Hudhet Oo Kawarbixiyay Faaiidooyinka Laga Helay Dibudajinta

$
0
0

Hudhet(Cakaaranews) Arbaco 12ka April 2017.  XDSHSI Ayaa Xooga Saaray Sanooyinkii Oogu Danbeeyay Sidii Ay Bulshadu Oogu Dhiiran Lahayd Waxsoosaarka Dhulka Iyo Kafaaiidaysiga Khayraadka Dihin Ee uu Hodanka Ku Yahay Deegaankeena Kaasoo Ladoonayo Sidii Saboolnimada Looga Dhigi Lahaa Taariikh Hore.

Hadaba Iyadoo Qorshahaas Laga Duulayo Ayay Sanadii 2003TI Xukuumadu Degmooyinkii Ay Ka Hirgalisay Nidaamka Dajinta Ee Deegaanka Ay Kamid Ahayd Degmada Hudhet Waxaana Wakhti Xaadirkan Ka Faaiidaystay Dajintani Bulsho Dhan 2350 Qoys Wakhti Xaadirkana Uu Wax Wayni Iska Badalay Noloshooda Kuwaasoo Ku Hawlan Kafaaiidaysiga Waxsoosaarka Dhulka Iyo Noocyada Kala Duwan Ee Khudaarta

Waana Kuwan Iyagoo Kawarbixinaya Faaiidooyinka Kala Duwan Ee ay Leedahay Dajintu Kuwaasoo Cadeeyay Inay Ku Badhaadheen Nidaamkani Dajinta Ee ay Xukuumadu U Samaysay Waxsoosaar koodana Loo Suuq Geeyo Degmooyinka Kale Ee Deegaanka.

Geesta Kale Masuuliyiinta Maamulka Degmada Hudhet Oo uu Horkacayo Gudoomiyaha Degmada Hudhet Mudane Axmed Ibraahin Xuseen Iyo Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee Degmada Hudhet Marwo Ayaan Mahdi Madaxa Xafiiska Horumarinta beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Isla Degmadani Hudhet Mudane Yuusuf Oo Hawlo Shaqo Kugaadhay Qabalaha Diridiima Oo Kamida Goobaha Ay Dajintu Kajirto Ee Degmadani Hudhet Kuwaasoo Sheegay Inay Taageerooyin Joogta Ah Ay Siiyaan Beeralaydan Kaasoo Ladoonayo Inay Noloshoodu Kobocdo Si Looga Midho Dhaliyo Qorshaha Koboca Dhaqan Dhaqaale Ee Uu Dalku Hiigsanayo GTP2 Ee Lagu Tirtirayo Saboolnimada.

Hadaba Degmadani Hudhet Ayaa Waxaa Laga Sameeyay Sanadii 2003 5 Goobood Oo Dib U Dajin Ah Kuwaasoo Ay Kamid Tahay Qabalahani Diridiima Islamar Ahaantaasina Ay Bulshadu Ku Hawlan Tahay Sidii Ay Usoo Saari lahaayeen Noocyada Kala Duwan Ee Khudaarta Taasoo Ay U Suuq Geeyaan Degmooyinka Hudhet Mooyaale, Mubaarak, Qadaadumo, Nagayle, Iyo Deegaanka Intiisa Kaleba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles