Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qiimaynta SM 2009 T.I Oo Kabilaabatay MMJ

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco 12ka April 2017. Shir kusaabsan qiimaynta waxqabadka 9kii bilood ee u danbaysay sanad miisaaniyadeedka 2009T.I islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta xafiisyada maamulka magaalada jigjiga ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee isla mmj.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay madaxa xafiiska maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad Axmed iyo Madaxa Xafiiska Arrimaha Xisbiga MMJ mudane cabdulaahi Maxamed Faarax oo sheegay in shirkani yahay mid qiimayn ah islamarkaana si qodo dheer la isugu qiimaynayo waxqabadkii 9ka bilood ee SM 2009 T.I. waxayna xuseen in madax xafiiseed kastaa uu soo jeedinayo qorshihii sanadkan u qorshaysnaa, waxqabadkii u qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo waliba sababta uu san u qabsoomin.

Ugudanbayna, Mas'uuliyiinta ayaa carabka kudhuftay in madax xafiiseedadu ay soo bandhigayaan dhaliilihii ka jiray fulinta qorshayaashan islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in lasaxo dhaliilahaas.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>