Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiin Kasocday Qaramada Midoobay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 12ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaaduu socdaalka ugasoo galayba wuxuu xafiiskiisa kulan kulaqaatay mas’uuliyiin sare oo kasocday qaramada midoobay(UN) oo ay hogaaminayeen Dr. AKPAKA KALU oo ah wakiilka hay’ada caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay uqaabilsan dalkeena itoobiya iyo Miriam Maluwa oo ah UNAIDS Ethiopia Country Director. Waxaana madaxwaynaha kulankan kuwehelinayay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba madaxwaynaha iyo mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xaalada abaaraha ee deegaanka isagoo madaxwaynuhu uga warbixiyay jawaabihii deg-dega ahaa ee ay dawlada federalka ah iyo xukuumada deegaankuba kabixiyeen bilaw ilaa wakhti xaadirkan iyagoo xooga saaray inuusan shaqsina udhimanin biyo, baad iyo dawo la’aan islamarkaana diirada saaray in dhamaan ceelasha deegaanka ee kuyaala goobaha la isugu yimaado ee caanka ah ay functional ahaadeen hadh iyo habeenba loona dhamaystiray shidaal kufilan, cudud shaqaale iyo dayactirkoodiiba iyo in 57 goobood loo doortay  bixinta adeeg hufan, lana dhigay calafkii xoolaha islamarkaana biyihii, cuntadii iyo dawadiiba loogu diyaariyay dad iyo duunyaba. Taas oo dawo kanoqotay xaalada abaarta ee bulshada xoolo-dhaqatada ah oo awal uhayaami jiray deegaano kale inay goobahaas modelka loo doortay isugu yimaadaan. Wuxuuna intaa kudaray madaxwaynuhu in kooxaha caafimaadka ee wareega toos looga hawlgaliyay goob kasta laguna xoojiyay kooxaha taageerada gaarka ah ee dhinacyada caafimaadka dadka iyo kuwa duunyada. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray kaalintii ay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ganacsatada deegaankuba kaqaateen xaalada abaaraha. Wuxuuna xusay in wakhti xaadirkan ay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumadu kusugan yihiin goobaha abaaraha iyagoo kaqaybinaya deeqo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, calafka xoolaha, dawada dadka iyo duunyada, dawada biyaha IWM.

Dhankooda mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumada dalka, tan deegaanka, shacabka iyo hay’aduhuba ugu gurmadeen shacabka ay abaartu saamaysay ee deegaanka iyagoo tilmaamay in qorshe cilmiyaysan oo maskax caafimaad qabta dajisay lagaga jawaabay abaartan islamarkaana xukuumada dalka iyo tan deegaankaba uga mahadceliyay iyagoo waliba kamarkhaati kacay horumarka baaxada leh ee kahanaqaaday deegaanka kadib booqasho ay kutageen goobo kamid ah deegaanka. Mas’uuliyiintan ayaana dhankooda kunuux-nuuxsaday inay sii laba-jibaarayaan dadaalkooda ku aadan gurmadka abaaraha iyagoo tilmaamay inay xooga saarayaan dhanka caafimaadka dadka. Waxayna intaa raaciyeen in xataa shirarkooda waa wayn iyo munaasabadahooda daraasaadyada iyo dood-cilmiyeedkaba ay usoo dhaadhicin doonaan xarunta deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>