Hargeele(Cakaaranews) Sabti 11ka March 2017. Sida aan ku sheegnay wararkaanagii hore qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa ayaa socdaalo dhaadheer ku maraya gobolada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo shacabka gaadhsiinayo deeqo isugu jira raashin, dawooyin iyo calafka xoolaha.
Haddaba waftigii ay hogaaminasay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin uu ka mid yahay hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow Cali oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay socdaalkooda ku marayay degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka qoraxay islamarkaana gaadhsiinayay bulshada abaaruhu saameeyeen deeqaha ay xukuumada DDSI ugu talagashay in bulshada lagaga samata bixiya abaaraha ayaa waxay maanta u anbabaxeen gobolada nogob iyo shabeele.
Masuuliyiintan oo diirada saarayay goobaha ay ku sugan yihiin bulshad abaaruhu saameeyeen islamarkaana u kuurgalayay hab-nololeedka bulshad abaaruhu saameeyeen ayaa waxay sii mareen tuulooyinka hoosyimaada demgada dhamaan, tuulooyinka hoosyimaada degmad Goday gobol ee gobolka shabeele,iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada Xaraaray ee gobolka nogob kuwaasi oo goobkasta oo ay gaadhaan gaadhsiinayay bulshada deeqo aad u badan oo isugu jirta raashin ka noocyadiisa kala duwan dawooyinka dadka iyo tuunyada iyo waliba calafka xoolaha.
Masuuliyiintan ayaa galabta ugu anbaxabay gobolka shabeele dhinaca gobolka afdheer iyaga oo caaw ku dheelmaday xarunta gobolka afdheer ee hargeele,waxayna inta ay ku sugan yihiin gobolka afdheer booqan doona degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ee ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana gaadhsiin doona deeqaha raashinka iyo calafka xoolaha.