Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Socdaalka Gurmadka Abaaraha Iyo Doolo.

$
0
0

Wardheer(cakaaranews),Sabti, 11ka, March, 2017. Masuuliyiin heer deegaan ah oo ay hogaaminayso wasiirka horumarinta khayraadka biyaha ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo uu ku wehelinayo madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud Cabdi oo ku guda jira socdaalkii gurmadka shacabka abaaruhu saameeyeen ayaa maanta booqday qaarka  mid ah degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Doolo.

Goobaha ay booqteen maanta masuuliyiintu waxaa ka mid ahaa ceelasha dhaadheer ee biyaha ka soo saara dhulka hoostooda ee degmada wardheer iyo Haanta wayn ee kaydka biyaha magaalada wardheer waxayne u kuur-galeen tayada ceelashan iyo sida ay bulshadu uga faa’iidaysanayaan. Sidoo kale waxay maanta booqteen  tuulooyin ka mid ah degmada wardheer, tuulooyinka hoos yimaada degmada Danood iyo sidoo kale tulooyinka hoos yimaada degmada Daraatoole. Dhamaan tuulooyinkaasi iyo goobkasta oo ay mareen waxay gaadhsiinayeen bulshada masuuliyiintu  deeq isugu jirta raashin iyo calafka xoolaha dhinaca kalena waxay darsayeen  hab-nololeedka bulahda abaaruhu saameeyeen.

Bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee  ku nool gobolka doolo ayaa aad iyo aad ugu  diirsaday deeqahan aan kala go’ah lahayn ee ay xukuumada DDSI markasta la duljoogto shacabka abaaruhu saameeyeen, waxayna qaybaha kal duwan bulshadu  si qoto dheer ugu mahad celiyeen  xukuumada DDSI. 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>