Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 13ka April 2017. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Qaar kamid golaha wasiirada, Wasiiro kuxigeenada, Odayaasha deegaanka, Culumo owdiinka ayaa maanta galinkii danbe ka qabsoomay hoolka shirarka qaaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan oo uu hogaamainayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn sheegay inuu kulankan ujeedadiisu yahay kawar bixinta socdaalkii ay madaxwaynaha iyo waftigiisu kusoo mareen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka islamarkaana uu ujeedada socdaalku ahaa ka jawaabida xaalada abaarta oo ay garabsocdaan xadhig kajarka mashruucyada horumarineed, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in mashruucyada xadhiga laga jarayay ay ubadnaayeen ceelal, iyo biyogalino laga sameeyay goobaha ay socdaalka ku marayeen islamarkaana ay bulshadu aad oogu farxeen mashaariicaha, Quudinta, Dawada dadka, Ta duunyada iyo calafka xoolaha ay madaxwaynaha iyo waftigiisu bulshada gaadhsiinayeen, Isagoo madaxwaynuhu xusay in mashruucyadii biyoxidheenada Baka, Goomaar, Wijiwaaji iyo maraacaato la dhamaystiray wakhti xaadirkana bixinayaan adeegoodii.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in xaalada adage e abaarta ay qayb ka yihiin bulshada xooladhaqatada ah ee deegaanka oon nidaamka kaydsiga aqoonin xiliga roobka, Wuxuuna madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar cadeeyay in qorshihii xukuumada ee 1 ilaa 5 ay uqaadatay biyaha ay hada fahmeen bulshada deegaanku muhiimada lagalahaa Iyagoo jawaab ka noqday xaalada abaarta, Wuxuuna madaxwaynuhu u mahadceliyay dhamaan cidwalba oo ka qaybqaadatay xalaada abaarta oo ay ugu horeeyeen dawlada federalka ah, Deegaanka tiray, iyo Deegaanka axmaarda, Isagoo madaxwaynaha, Mas’uuliyiinta iyo odayaashuba baryeen allah inuu roob khayrqaba siiyo abaartana naga dulqaado.

Dhankooda mas’uuliyiinta iyo odayaasha deegaanka ayaa sheegay inaan hadal lagusoo koobi Karin sida uu madaxwaynaha iyo mas’uuliyiinta deegaankuba uga qaybqaateen xaalada abaarta iyo inay indhahooda ku arkayeen sida hagar la aanta ah ee madaxwaynuhu usoo darsayay xaalada abaarta isagoo goob goob u istaagay dhamaan goobaha ay abaartu saamaysay iyo gooba kalaba islamarkaana kala qaybqaadanayay bulshada xaalada ay ku sugan yihii, Sidoo kale waxay u mahad celiyeen dawlada federalka, Deegaanka Tigray Iyo deegaanka axmaarada oo run ahaantii kaalin lixaad leh kaqaatay xaalada abaarta, Ugu danbayna waxay baryeen allah inuu ka dulqaado abaarta roob khayrqabana nasiiyo.   


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>