Jigjiga(cakaarnews)Axad 5ta February 2017. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV-AIDS islamarkaana ujeedadiisu tahay wacyigalinta cudurka Dilaaga ah ee HIV AIDS, loona qabtay ardayda waxkabarata kuliyada tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga poly-technic ayaa ka qabsoomay isla kuliyada.
Hadaba, shirkan oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 1400 oo arday ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Kahortaga iyo Xakamaynta HIV-AIDS marwo Kaamila Axmed Nuur oo sheegtay in shirkani yahay shir wacyigalin ah oo loogu talagaly ardayda waxkabarata kuliyada maadaama kuliyadu tahay meelaha ay kasoobaxaan dhalinyarta ugu badan deegaanku. Waxayna intaa kudartay in ka xafiis ahaan ay xooga saarayaan wacyigalinta dhalinyarata deegaanka ee waxkabarata kuliyadaha jaamacadaha iyo waliba dugsiyada. Si looga digo loona xasuusiyo dhibaatada cudurka dilaaga ah ee HIV AIDS. Waxayna carabka kudhufatay marwadu in dhalinyarta ay door muhiim ah uleedahay horumarka balaadhan ee deegaanka kasocda islamarkaana ay lagama maarmaantahay in ladhwro caafimaadkooda iyana ay ilaaliyaan.
Sidookale, shirkan ayaa waxaa iyana kasoo qaybgalay qaarkamid ah kalkaaliyaasha caafimaadka oo halkaas ardayda kaga qaadayay baadhista dhiiga si ardayu isu ogaato in uusan cudurka qabin.islamar
Dhankooda, ardaydii kasooqaybgashay shirkan wacyigalinta ah ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsanyihiin islamarkaana ay balanqaadayaan in aysan takoorin dadka cudurka lanool iyana ay iskailaaliyaan asbaabaha uu kuyimaado cudurkan HIV-AIDSka ee ay ugu horayso galmada xaaranta ah.
Ugudanbayna shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay.