Wardheer,(cakaaranews),talaado, 31ka, January, 2017. Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka cusbitaalka magaalada wardheer ee xarunta gobolka Doolo tababarka tababar tayaasha ee nidaamka Diyaarinta qorshaha ol'olaha talaalka ka hortaga cudurka jadeecada" oo laga talaalidoono caruurta da'doodu u dhaxayso 9 bilood ilaa 5 sano jirka.
Tababarkan oo socon doona muddo 2ba maalmood ah ayaa waxaa loo qabtay 24 xubnood oo iskugu jira madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka gobolka doolo, khabiirada talaalka iyo xubno ka socday hay’adaha OWDA iyo WHO ee ka hawlgala Gobolka Doolo.
Waxaana Furitaankii tababarka ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay in ujeedada tababarkani tahay sidii xubnahan fahan buuxa looga siin-lahaa diyaarinta qorshe ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka jadeecada kaasi oo ka soo bilaabma Tuulo hoosaad, tuulo, Degmo ilaa Gobol (from Bottom to top or micro plan). Masuulka ayaa intaa ku daray in ol-olahani uu qayb ka yahay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga samata-bixinlahaa bulshada ay abaartu saamaysay lagana sii hortagilahaa khatar kasta oo ku iman karta bulshadeena sida cudur dilaaca (disease outbreak).
Dhankiisa waxaa hadala kooban oo dardaaran ah u soo jeediyay ka qayb galayaashii tababarka tababarayaasha maareeyaha guud ee Cusbitaalka Wardheer mudane Cumar Cismaan Biixi. Isaga oo ku booriyay xubnahan in ay fahan buuxa ka qaataan cashirada ay ku baranayaan tababarkan si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan maanta furmay.