Wardheer,(cakaaranews), sabti, 28ka January, 2017. Masuuliyiin isugu jira heer Deegaan, heer Gobol iyo heer Degmo oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed, wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada DDSI mudane Idiris Ismaaciil Cabdi, wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdiraxmaan Curaagte, la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhanka arimaha Bani'aadminida ahna wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, gudoomiyaha gobolka Doolo mudane Maxamad Cabdi Bare iyo masuuliyiinta degmada wardheer ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada wardheer si diiran ugu soo dhaweeyay wafdi heer caalami ah oo ay hogaaminayeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha guud ee gar-gaarka bani aadminimada mudane Stephen O'Brien iyo komishineerka komishinka maareynta qatarta masiibooyinka JDFI mudane Mitiku Kassa.
Ujeedada booqashada wafdigan heer caalami ayaa ahayd in ay soo arkaan xaaladaha bulshada ay saamaysay abaaraha ay keentay cimilada isbadashay, soo dhawayn ka dib waftigan ayaa kulan ku la yeeshay madasha shirarka ee maamulka gobolka Doolo masuuliyiintii heer deegaan, heer gobol iyo maamulka degmada wardheer. Kulankaasi oo la iska xogwaraystay xaalada abaaraha ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaalada abaaraha iyo dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga samata bixin lahaa bulshada ay abaaruhu sameeyeen soo jeediyay la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhanka arimaha Bani'aadminida mudane Anwar Cali
Kulanakaas kadib, ayaa waxay booqdeen waftigan isku dhafka ah tuulada Garloogubay oo ka mid ah goobaha ay abaaruhu saameeyeen waxayna ugu tageen tuuladaasi kooxo ka socda xafiiskyada heer deegaan oo u qaybinaya bulshada ay abaaruhu saameeyeen Raashinka iyo cafalka xoolaha taasi oo ay ay xukuumada DDSI gaadhsiisay guud ahaanba degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen iyada oo dhinaca kale ay garab socdeen daawaynta iyo talaalka dadka iyo duunyada, qaybinta agabka hoyga iyo maacuunta cuntada.
Wafdiga heer caalami ee ka socday qaramada midoobay ayaa aad u bogaadiyay dadaalada xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada looga samata bixin lahaa xaalada abaaraha waxayna sheegeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan ka jawaabida baahida bulshada ay abaaruhu saameeyeen.