Jigjiga,(cakaaranews) khamiis, 26ka January, 2017. kulan lagu qiimanayay shaqaalaha komishinka anshaxa iyo hortaga DDSI ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla komishirka anshaxa ka hortaga musuqa DDSI. waxaana Kulankan qiimaynta loo qabtay dhamaan shaqaalaha komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI.
kulankaa waxaa hogaaminayay komoshineerka komishinka anshaxa iyo hortaga musuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Isaga oo sheegay in ujeedada qiimayntani tahay sidii looga midho dhalin lahaa jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI iyada oo laga duulayo sidii loo hirgelin lahaa nidaam shaqeed hufan taya leh oo lagu dabagalo, laguna qiimayo natiijada waxqabdka shaqo ee xafiisyada dawliga ah, geedi socodyada shaqo, koox-hawleedyada (case team), fuliyaasha iyo shakhsiyaad kasta oo ka tirsan qaabdhismeedyada dawlada deegaanka heerarkooda kala duwan, islamarkaana lagu abaal mariyo kuwa iyagu natiijooyinka fiic-fiican ka keena ka midho-dhalinta istaraatiijiyadaha iyo yoolalkii u degsanaa ee loo xilsaaray fulintoodada. komoshineerka ayaa ku booriyay shaqaalaha komishinka ka hortaga musuqa DDSI in ay noqdaan kuwa ka midho dhaliya qorshayaasha horumarineed ee u dajisan komishinka islamarkaana noqdaan kuwa sii xoojiya tilmaamaha iyo hab raacyada anshax ee mas’uulinta iyo shaqaalaha dawlada looga baahan yahay in ay raacaan islamarkaana dabagal lagu sameeyo dhaqan galintooda iyo sidoo kale in gacan laga siiyo diyaarinta hab raacyada lagaga hortagayo musuqa marka la soo codsado.