Tog-wajaale(cakaaranews),talaado, 17ka January, 2017. Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay deeq waxbarasho ku taageerta dawladaha aan dariska nahay ee Somaliland, Putland iyo somaliya, waxaana maanta lagu soo dhaweeyay maamulka magaalada tog-wajaale ee xuduuda wadamada itoobiya iyo soomaliland 120 arday oo ka socday soomaliland kuwaasi oo ay xukuumada DDSI u fidisay deeq waxbarasho.
Waxaana, soo dhaweeyay ardaydan masuuliyiin heer deegaaan ah oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Ahmed Nuur (heeryo) iyo wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi kuwaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay 120 kan arday yihiin arday ka soo jeeda somaliland oo ay deeq waxbarasho ku deeqday xukuumada DDSI waxayna shegeen in ay waxka baran doonaan kuliyadaha kala duwan ee ka jira deegaanka iyo jaamacada jigjiga.
Maaha markii ugu horaysay ee ay xukuumada DDSI deeq waxbarasho u fidiso ardayda ka soo jeeda wadamada aan dariska nahay.