Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gudoomiyaha Gobolka Doolo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Wardheer(cakaaranews) Axad, 26ka February, 2017. Gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare (Buraale) ayaa si diiran u soo dhoweeyay 19 Xirfadlayaal caafimaad oo ka mid ah xirfadlayaashii caafimaadka heer deegaan ee xafiiska caafimaadka DDSI  u diray gobolada iyo degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen si ay u xoojiyaan daryeelka adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

Wuxuuna gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare soo dhawayn ka dib  uga warbixiyay xirfadlayaashan  guud ahaan xaaladaha degomooyinka gobolka doolo gaar ahaan dhinaca adeegyada caafimaad  ka jira gobolka iyo goobaha loo baahan yahay in la xoojiyo. Gudoomiyaha ayaa kula dar-daarmay xirfadlayaashan in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinkii loo soo  igmaday islamarkaana ay gaadhsiiyaan bulshada  adeeg caafimaad oo ku salaysan muwaadinimo, xurmo iyo  qadarin.

Dhankooda xirfadlayaashan caafimaadka oo ka hawlgalidoona dhamaan degmooyinka gobolka doolo gaar ahaana,  xooga saaridoona degmooyinka abaaruhu saameeyeen iyo goobaha ay ku kulmaan bulshada abaaruhu saameeyeen  ayaa waxay sheegeen in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan  ugu jiro taaba galinta adeeg  caafimaad oo taya leh kana  jawaabaya baahida caafimaadka ee bulshada. Waxayna hoosta  ka xariiqeen in ay kaalin miisaan culus ka qaadanayaan bixinta adeegyada caafimaadka gobolka doolo ee la gaadhsiinayo bulshada gobolka gaar ahaan kuwa abaaruhu saameeyeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles