Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Qalaafo iyo Qoysas Kabadan 60 kun Oo Qoys Oo Sifiican Uga Faa’iidaystay Barnaamijka Damaanad-qaadka Cunada PSNP

$
0
0

Qalaafo(cakaaranews)Sabti 25ka February 2017. Barnaamijka damaanad-qaadka cunada ee PSNP oo ah barnaamij loogu talagalay ladagaalanka saboolnimada islamarkaana bulshada danyarta ah ee deegaanka looga faaiideeyo ayaa  sidii loogu talogalay u gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmada qalaafe lacag cadadkeedu dhanyahay 45,607,702 (Afartan Iyo Shan Milyan Lix Boqol Iyo Todobo Kun, Todobo boqol iyo labo bir)

Shaqadan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinayay koox isku dhaf ah oo laga soo kala xulay xafiiska maamulka DDSI, Xafiiska Hor-beeraha iyo Khayr-dabiiciga ah DDSI, xafiiska maaliyada iyo Hor Dhaqaalaha DDSI.

Hadaba, Madaxa kooxda shaqadan fulinaysay  ahna khabiir katirsan Xafiiska Maamulka DDSI mudane Xamdi Aadan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in sidii loogu talagalay loo fuliyay shaqadii ahayd qaybinta lacag dhan 45,607,702 (Afartan Iyo Shan Milyan Lix Boqol Iyo Todobo Kun, Todobo boqol iyo labo bir) oo ah barnaamijka damaanad-qaadka cunada ee PSNP islamarkaana ay kafaaiidaysteen bulsho tiradoodu dhantahay 60,013 qoys oo kudhaqan Senterada degmada qalaafo iyo magaaladaba. wuxuuna u mahadceliyay maamulka degmada qalaafe oo sifiican ugala qaybqaatay fulinta shaqadan.

Sidookale, Gudomiyaha Degmada Qalaafo mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in kooxdu shaqadii ay u guteen sidii loogu talagalay islamarkaana bulshadu ay uga faaiidaysteen si aad u fiican barnaamijka. Iyadoo wakhtigana ay tahay wakhti ay bulshadu aad ugu baahnayd taakulayn. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu in waxwayn ay kabadashay noloshii bulshada looga faaiideeyay barnaamijkan PSNP.

dhankakale, xubin katirsan kooxda shaqada fulinaysay ahna khabiir kasocda xafiiska Hor-Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah DDSI mudane Cabdifataax Axmed Xasan oo dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in bulshada kafiidaysatay barnaamijkan damaanadqaadka cuntada ay isagu jiraan kuwa sida tooska ah loo quudiyo (direct support) iyo kuwa xoogsatada ah ee  looyaqaano (cash for working) ama public work. Wuxuuna tilmaamay in Shaqadaas ay guul iyo waxqabad wanaagsan ka soo hooyiyeen.

Ugudanbayna, wuxuu carabka kudhuftay in bulshadii ay deeqdaasi gaadhay ay farxad iyo raynrayn ka muuqatay aadna ay ugu farxsanyeen sida wanagsan ee deeqdan dowladu u soo gaadhsiisay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>