Jigjiga, (cakaaranews), jumce, 24ka, February, 2017 Waxaa lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saadsan nidaamka looga hortaga loona xakameeyo musuq maasuq.
Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI oo kaashanaya wakaalada dakhliga DDSI ayaa waxaa loo qabtay shaqaalaha waaxaha xisaabaadka xafiisyada heer deegaan. Waxayna ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa nidaamka la dagaalanka musuqa, sida looga sifeeyo musuqa dakhliga ka go’ah miisaaniyadaha heer deegaan iyo cashiro kale oo ku taxa luqa la dagaalanka musuqa.
Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadalay gadh-wadeenka geedi socodka ka hortaga danbiyada musuqa ee komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane Daahir Cilmi Goohe oo sharax dheer ka bixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga foogin naan lahaa loogana hortagi lahaa aafooyinka musuqa ee marin-habaabiya Qorshayaasha horumarka iyo Qulqulka Miisaaniyada ee lagu fulinayo adeegyada horumarka bulshada. Masuulka ayaa sheegay in mudadii uu socday tababarkan lagu lagu qaadanaya cashiro ku salaysan nidaamka looga hortaga musuqa, sharicyada ka dhanka ah ee danbiyada musuqa ee heer caalam, heer qaaradeed, heer qaran iyo heer deegaanba isaga oo ku booriyay tababartayaasha in ay ujeedooyinkii tababarka sidii loogu talagalay u hirgaliyaan.
Dhankooda tababartayaashan qaatay tababarkan ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinkii ay ka heleen mudadii uu socday tababarku kuwaasi oo sheegay in sidii loogu talagalay u hirgalinayaan ujeedooyinkii tababarkan.