Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagaga Hadlayay Doorka ay Hay’aduhu Ku Leeyihiin Ka Qayb-qaadashada Xaaladaha Abaaraha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 21ka, February, 2017. Kulan uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo lagu gorfaynayay  sidii haay’adaha aan dawliga ahayn ee ay  bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  u sii xoojin lahayeen ka qayb-qaadashada wax ka qabadka  xaaladaha abaaraha ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI ayaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka city crown.

Waxaan,  furitaankii kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo masuuliyiin ka socday 40 hay’adood oo ah kuwa ay xafiiska caafimaadka DDSI bah-wadaagta yihiin ee aan dawliga ahayn.

Waxana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil Cali oo si qoto dheer uga warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi.  wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay xaaladaha abaaraha ka jira  qaarka ka  mid ah degmooyinka DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada looga samata bixin lahaa abaarahaasi sameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI . Wasiirka ayaa sheegay  in hay’adaha looga baahan yahay sidii   ay u  sii xoojin lahaayeen  doorka ay ku leeyihiin wax ka qabadka xaaladaasi abaaraha ee ay  keentay cimilada isbadashay gaar ahaan dhinaca adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhankooda masuuliyiinta ka socday haay’adahan loo qaybtay kulanka ayaa sheegay in ay si baladhan uga qayb-qaadanayaan dadaalka loogu jiro wax ka qabadka xaaladaha abaaraha ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI waxayna hoosta ka xariiqeen in ay taageero dhinac kasta leh ka gaysanayaan dadaalada loogu jiro sidii bulshada ay saameeyeen abaaruhu looga samata bixin lahaa xaaladahaasi abaaraha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>