Gurdumi(cakaaranews) Isniin, 20ka February, 2017. Masuuliyiin isugu jira heer deegaan heer, gobol iyo heer degmo oo ay ka mid yihiin Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali iyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa xadhiga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay tuulooyinka abakor iyo gurdumi oo ka tirsan degmooyinka Awaare iyo Daroor oo ka mid ah degmooyinka gobolka jarar.
Xarumahan caafimaadka ayaa waxaa hirgaliyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya hay’adaha ay bahwadaagta yihiin waxaana xadhig ka jarkii ka dib la hadlay bulshada ka faa’iidaysanaysa xarumahan caafimaadka wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii shacabka DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh. Wuxuuna ka warbixiyay wasiirku amhiyada ay u leeyihiin bulshada xarumahan caafimaadka ee xadhiga laga jaray oo ah kuwa loo dhisay nidaam casriya lana dhigay qalab casriya. Isaga oo ku booriyay bulshada in ay ka faa’iidaysaan adeegyada caafimaad ee ay bixinayan xarumahan islamarkaana ilaal-shadan daryeelka xarumahan caafimaadka.
Dhankiisa gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo faa’iidooyinka ay bulshada u leeyihiin xarumahan caafimaadka ee laga hirgaliyay qaarka mid ah degmooyinka gobolka jarar wuxuuna intaasi ku daray in ay xarumahan caafimadku qayb ka yihiin dadaalada ay xukuumada DDSI kor ugu qaadayso adeegyada caafimaadka.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi laga hirgaliyay xarumaha cafimaadka ayaa siwayn ugu mahad celiyay xukuumada DDSI ee u hirgalisay xarumaha caafimaad kuwaasi oo sheegay in ay xarumahan caafimaadka ee xadhiga laga jaray daboolayaan baahidii ahayd helitaanka adeegyo caafimaad oo tayaysan. Waxayna sheegeen in ay sifiican uga faa’iidaysanayaan adeegyada ay bixinayaan xarumaha caafimaadku islamarkaana ilaalinayan daryeelka xarumaha caafimaadka.