Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xuska 5aad Ee Ciidamada Difaaca Qaranka JDFI Oo Si Heer Qaran ah Loogu Xusay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), talaado, 14ka February, 2017. Waxaa maanta si qurux badan oo heer qaran ah  loogu dabaal dagay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan  garoonka kubada cagta ee jigjiga munaasabada  xuska 5aad ee ciidamada difaaca qaranka JDFI.

Hadaba Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan  loo soo agasimay  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa JDFI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha JDFI mudane Mulatu Teshome,  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj  Fergesa, abaanduulaha guud ee ciidamada difaaca qaranka mudane general Samore Yohanis, taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya literal general  Abrahan  wodle mariam, saraakiisha kala duwan ee ciidamada Difaaca qaranka JDFI,  taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI general cabdiraxmaan cabdilahi buraale, saraakiisha kala duwan ee ciidanka amniga DDSI, golaha wasiirada DDSI, odayaasha dhaqanka deegaanka, masuuliyiin ka socday soomaliland oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxwaynaha somaliland ee xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi   iyo  wafti ka socday dalka jabuuti.

Xuskan ayaa  ujeedadiisu ahayd sidii ay ciidama qaranku u muujin lahaayeen balantii ilaalinta dastuurka JDFI islamarkaana abaalmarino kala duwan iyo bilad  geesiyeed loo gudoonsiin lahaa  ciimada difaaca qaranka ee guulaha ka keenay la dagaalanka argagixisa gaar ahaan kooxda alshabaab ee ka dhaq-dhaqaaqda dalka soomaliya

Munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay madaxwaynaha JDFI mudane mutale teshome isaga oo ugu harayntii ugu hambalyeeyay munaasabadan xuska 5aad dhamaan ciidamada difaaca qaranka JDFI .Wuxuuna sheegay in ciidamada difaaca itoobiya tusaale kudayasho mudan  u yihiin Dhamaanba ciidamada  Africa . madaxwaynaha ayaa ku amaanay  ciidamada difaaca qaranka  guulaha geesinimo ee ay soo hooyeen la dagaalanka argagixisada alshabaab iyo kaalinta  ay ka  gaysteen  hawlaha nabadgalyada geeska Africa.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in munaasabadan lagu qabto xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Madaxwaynaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay sooyaalkii taariikheed ee deegaanka iyo dalka gaar ahaan dhibaatooyinkii ay shacabka DDSI ku hayn jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kaligii taliska dhergiga.  Madaxwayne  cabdi maxamuud cumar  Wuxuuna  sheegay sida ciimada difaaca qaranka dalkeena itoobiya isku garab taageen bulshada DDSI ee u badan xoolo dhaqatada gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo horumar.  madaxwaynaah DDSI   ayaa tilmaamay in garoonka munaasabada xuska ciidanka qaranka maanta lagu qabtay ahaan jiray xiligii dhergiga xarun ay yaalaan oo kaliya Kaarayaal, Hubabka cul-culis iyo xarumo ciidan balse maanta dhalashadii itoobiya cusub ka dib  guulaha waawayn ee dhaxal galka ah ee ay keeneen ciidanka difaaca qaranku  ay noqotay  goobtani iyo guud ahaanba deegaanka soomalida itoobiya goob horumar. Madaxwaynaha ayaa sheegay in goobtii uu kaaruhu yaalay lagu badalay gaadiidka horumarka sida cagafyo iyo mishiinada kale ee loo adeegsado mashaariicaha horumarka.

Abaanduulaha guud ee ciidamda difaaca qaranka dalkeena itoobiya mudane gereraal Samore Yohanis oo munaasabadan  ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsatay sida ciidamda difaaca garanku guulo waawayn uga soo hooyeen la dagaalanka iyo baabiinta kooxda argagixisada alshabab iyada oo ay ciidamada difaaca qaranku garab siinayaan shacabka aan walaalaha nahay ee  dalka soomaliya.

Dhankiisa taliyaha guud ee ciidamda qaranka qaybta koonfur bari toobiya mudane literal Jeneral Abraham Wodle Mariam ayaa Si qoto dheer uga hadlay kaalinta muga leh ee ay ka qaadanayaan ciimada difaaca qaranka JDFI  hawlaha gobolka ee dhanka nabadaynta iyo la dagaalanka argagixisada isaga oo sheegay in ay sii wadidoonaan garabsiinta shacabka dalka  soomaliya ee aan dariska nahay  si ay uga adkaadaan kooxda argagixisada alshabaab ciidankeena difaaca qarankuna ay qabwayn ka qaateen hawlgalada Amnison  ka wada dalka soomaliya.

Munaasabadan oo ahayd mid soo jiidasho gaar ah leh oo ay ciidamda qaranka, iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu boolisku ay ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar  iyo anshax wanaaga ciidannimo iyada oo ay intaasi dheerayd  Dabaal daga iyo damaashaadka ay ku muuniyayeen dhanka technology casriga ah ay ka gaadheen ciidanka difaaca qaranka dalkeena itoobiya    ee mulatarinimo  ee dhinaca  cirka kuwaasi oo ay diyaarado xawaaro dheerayna ku socda ay dul weehaamayeen garoonka ay  munaasabadani ka socoto  iyo magaalada jigjigaba.

 

Gabagabadii munaasabadan ayaa madaxwaynaha JDFI mudan Dr mulatu teshome uu  abaalmarino kala duwan iyo bilado geesiyo   gudonsiiyay ciidamada guusha ka soo hooyay la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee alshabaab ee ka dhaq- dhaqaaqa dalka soomaliya. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles