Jigjiga(cakaaranews), Isniin, 13ka February, 2017. waxaa caawa ka dhacay barxada wayn ee kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI xaflad casho sharaf ah oo lagu soo dhawaynayay masuuliyiinta ka qaybgalaysa munaasabada xuska ciidamada difaaca qaranka dalkeena itoobiya oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu teshome, wasiirka wasaarada gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj fergesa, abaanduulaha guud ee ciidamada difaaca qaranka JDFI mudane Jeneraal Samore Yohanis iyo taliyaha guud ee ciidamad difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya Literal Jeneraal Abraham Wolde mariam.
Dhinaca kale waxaa xafladan casho sharafta ah ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.