Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 3da February 2017. Waxaa gagida diraadaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal airport lagusoo dhaweeyay Wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI mudane Kabede Chane, Waxaana gagida diraadaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal airport kusoo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay ugu horayso madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, Maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxaam Maxamed, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi iyo masuuliyiin kale.
Hadaba Wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI mudane Kabede Chane ee sida loo soo dhaweeyaya ayaa u yimid inuu ka qaybqaato xuska todobaadka dakhliga heer qaran oo sanadan lagu qabtay deegaankeena,