Jigjiga,(cakaaranews(,khamiis, 2da February, 2017. Waxaa soo gaadhay magaalada jigjiga ee xarunta DDSI wasiirka wasaarada caafimaadka Jamhuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya mudane Prof Yifru Birhana.
Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ee caasimada DDSI madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali.
Soo dhawayn ka dib wasiirka wasaarada caafimaadka JDFI mudane Prof Yifru Birhana oo kulan kula yeeshay hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI masuuliyiinta iyo agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadka DDSI ayaa sheegay in ay ujeedada socdaalkiisu tahay sii xoojinta tayada adeegyada caafimaadka gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen. wasiirka ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka JDFI dadaal badan ugu jirto sidii adeegyo caafimaad oo tayaysan loo gaadhsiinlahaa bulshada ay abaaruhu saameeyeen loogana hortagilahaa cudurada dilaaca. wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaarada caafimaadka JDFI xooga saaraysa gaadhsiinta adeegyo caafimaad oo taya leh bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen.
Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil ayaa kulankaasi kaga warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada DDSI ee ku nool degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen looga samata bixin lahaa xaalada abaaraha. Isaga oo intaasi ku daray in xafiiska caafimaadka DDSI uu tuulo kasta degma kasta oo ka mid ah degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen geeyay kooxo khabiiro iyo xirfadlayaal caafimaad oo gaadhsiinaya bulshada adeegyada caafimaadka dadka.
Wasiirka wasaarada caafimaadka JDFI ayaa inta uu joogo DDSI waxa uu booqan doonaa goobo ka mid ah goobaha ay abaaruhu saameeyeen isaga oo u kuurgalidoona xaaladaha adeeg bixinta caafimaadka.