Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 17ka January 2017. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aasaastay wakaalada horumarinta guriyaynta ddsi oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha.
Hadaba maareeyaha wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI marwo Ayaan Maxamed Sheekh Aadan oo shabakada wararka ee cakaaranews ooga warbixisay waxqabadkii 6dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegtay in wakaaluda 6dii bilood ee udanbaysay dhamaystirtay mashaariico kala duwan oo guryo ah islamarkaana ay wadaan kuwo kale, Waxaana kamid ah mashaariicaha dhamayska tirmay ee ay fulisay wakaaladu, guryaha Real State ka xaafada dul qabow oodhan 78 gibi islamarkaana si casri ah loo dhisay, Guryaha jidka wajaalee oo dhan 30 gibi, guryaha real state ka loo dhisay fanaaniinta deegaanka oodhan 64 gibi, mashaariicda guryiha ay xukuumada DDSI u dhistay dadkii ay guryahooda gaadhay wadooyinka laga hirgaliyay caasiamda DDSI ee jigjiga.
Ugu danbayna waxay marwadu xustay inay wakaaladu wado mashaariico kala duwan oo guriyayn ah oo ay kamid yahay mashruuca wayn ee goor dhawayd la dhagaxdhigay ee Kaali Mall, Islamarkaana ay kawado xarunta deegaanka iyo qaar kamid ah maamul magaalooyinka deegaanka mashaariico guriyayn ah, Iyadoo marwadu sheegtay inay wakaaladu sii kordhin doonto dadaalka loogu jiro sidii bulshada deegaanka looga dabooli lahaa baahida dhanka guryaha ah.