Dhagaxbuur(cakaaranews)talaado 7da March 2017. Tababar ujeedadiisu tahay sii xoojinta aqoonta iyo xirfada barayaasha deegaanka gaar ahaan macalimiinta luuqada afka hooyo islamarkaana macalimiinta kacaawinaya sidii loo meel marin lahaa barnaamijka tiaabada ah ee horumarinta xirfadaha joogtada ah ayaa si rasmi ah uga bilowday magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay khabiir katirsan Mashruuca READTA ee hay’ada SCI mudane Axmed Xaashi Maxamed oo sheegay in Tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo mashruuca READTA ee Hay’ada SCI (Save the Children International )oo taageero maaliyadeed kahesha USAID. Wuxuuna intaa kudaray khabiirku in tababarkan ay kasoo qaybgaleen macalimiin lagasoo kala xulay 22 degmo oo deegaanka ah islamarkaana larabo in lagu tijaabiyo barnaamijka horumarinta xirfadaha joogtada ah. Wuxuuna tilmaamay in degmooyinka lagasoo xulay macalimiinta luuqada afka hooyo iyo waliba qaar kamid ah kormeerayaasha iyo maamulayaasha deegaanka oo tiradoodu dhantahay 140 xubnood.
Dhanka kale, qaar kamid ah macalimiintii casharada bixinayay oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkani uu socon doono mudo 5 maalmood ah islamarkaana macalimiinta luuqada afka hooyo, iyo waliba qaarkamid ah kormeerayaasha iyo maamulayaash dugsiyada lagu barayo casharo muhiim ah oo kor loogu qaadayo nidaamka baris barasho islamarkaana larabo inay hirgaliyaan barnaamijka horumarinta xirfadaha joogtada ah.
Sidookale, qaar kamid ah macalimiintii kasoo qaybgashay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin kaqaybgalka tababarkan. Waxayna tilmaameen in uu aad ufiican nidaamka casharada loo siinayo.
Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in mudnaan wayn uu deegaanku siiyay kor uqaadista luuqada afka soomaaliga iyadoo bishii ugudanbaysay hada tababar gaaban oo socday mudo 10 cisho ah lasiiyay in kabadan 808 macalin oo ah barayaasha luuqada afka soomaaliga.