Jigjiga, (cakaaranews),talaado, 7da February, 2017. Waxaa xaflad hadhimo sharafeed ah loogu sameeyay Huteelka City Crown ee magaalada jigjiga fanaaniinta caanka ah ee dalka Jabuuti.
Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo uu soo diyaariyay xafiiska maamulka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamuud Maxamed, wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo masuuliyiin sare oo ka mid ah xukuumada DDSI.
Fanaaniinta caanka ah ee dalka jabuuti oo ay ka mid yihiin fanaanada Kaltuun Bacado, Deeqa Gaydh iyo Cabdiraxmaan Xan-xanteeye oo todobaadadii ina soo dhaafay ku sugnaa caasimada DDSI ee jigjiga ayaa habeenimadii axadii aan soo dhaafnay ku soo bandhigay caasimada DDSI ee jigjiga bandhig faneed ay aad ula dhaceen shacab waynaha Reer jigjiga.
Isku soo wada duub oo isbadalka balaadhan ee ay ku talaabsaday DDSI ayaa waxa uu sanadihii ugu danbeeyay soo jiitay indhaha caalamka, kuwa shaqsiyaadka caanka ah, aqoon-yahano, siyaasiyiin, maalqabeeno iyo Ganacsadayaal caalamiya kuwaasi oo dhamaantood ka markhaati kacay isbadalka horumarineed iyo midka nabadgalyo ee DDSI ka taaba galay.