Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shirkii 7aadka Dakhliga Iyo Jibriyada Oo Galay Maalinkiisii 2aad

$
0
0

Jigjiga(cakaranews)Sabti 4ta February  2017. shirkii 7aadka dakhliga iyo Jibriyada ee heer qaran islamarkaana kasocday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa galay maalinkiisii 2aad iyadoo maantana shirku uu ku qotamay ganacsiga iyo jibriyada waxaana kasooqaybgalay Dhamaan Ganacsatada, Masuuliyiinta Deegaanka, Gobolada Iyo Degmooyinka, iyo waliba shacabka magaaalada jigjiga

Hadaba, kahor intuuna shirku furmin ayaa Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiirka Wasaarada Dakhliga iyo Jibriyada JDFI mudane Kabadhe Janne ay si wad jir ah xadhiga uga jareen bandhig balaadhan oo lagusoo bandhigay waxqabadkii wakaalada Dakhliga iyo Jibriyada JDFI. Kadibna shirka ayaa waxaa hadalo waxku’ool ah ah  kasoojeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  isagoo sheegay in ka deegaan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan. Wuxuuna madaxwaynuhu si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinkii kajiray dhanka dakhliga iyo jibriyada deegaanka. Wuxuuna carabka kudhuftay in deegaanku uu isbadal muuqda kakeenay ladagaalanka kotorobaanka iyo dhamaan ganacsiyada sharcidarada ah.

Sidookale, waxaa isna shirkan kahadlay Wasiirka Wasaarada Dakhliga iyo Jibriyada JDFI mudane Kabadhe Janne oo ugu horayn u mahadceliyay xukuumada deegaanka isagoo sheegay in deegaanku guulo waawayn kakeenay dhanka arrimaha dakhliga iyo ganacsiga. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in dakhliga iyo ganacsigu ay doorwayn oo muhiim ah kuleeyihiin horumarka xawliga kusocda ee DDSI.

Dhankooda waxaa iyana shirkan kahadlay qaarkamid ah ganacsatadii iyo shacabkii kasooqabgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yiihiin shirkan 7aadka dakhliga iyo jibriyada iyagoo tilmaamay in shirkani uu yahay mid aad muhiim ugu ah ganacsatada islamarkaana ay filayaan in natiijo wax ku ool ah ay kasoobixi doonto dhamaadka shirka. Maadaama oo lagu falanqeeyay arrimo badan oo kusaabsan dhanka dakhliga iyo ganacsiga noocyadiisa kaladuwan. 

Sikastaba ha ahaatee, shirkan todobaadka dkhliga iyo jibriyada heer dal ayaa si habsamileh uga sii socon doona xarunta DDSI ee magaalada jigjiga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>