Jigjiga(cakaaranews), Isniin, 6da, march, 2017. Kulan lagaga wada tashanayay sidii looga hortagi lahaa socdaalka sharci darnada ah oo uu soo diyaariyay xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI ayaa ka dhacay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city crown.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore, madax xafiiseedka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada deegaanka herarida mudane Ramadaan Cumar, madaxa wakaalada shaqaalaha iyo arimaha bulshada ismaamulka diredhaba mudane Maxamed Fure. Xubno kale duwan oo ka socday sadexdan deegaan iyo masuuliyiin ka socday xafiisyada ay bah-wadaagta yihiin xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirka shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmad maxamed koore oo sheegay in kulankan looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa socdaalka sharcidarnada ah islamarkaana uu kulankani yahay mid siwada jir ah u yeeshaan deegaanada dariska ah si loo tir tiro loogana horga socdaalka sharcidarnada ah. wasiirka ayaa tilmaamay in mudada uu kulankani socdo lagu soo bandhigidoona daraasaad ku saabsan socdaalka sharcidarnada ah islamarkaana si qoto dheer looga doodi-doona taasi oo laga qaatan doono qorshe cad oo lagu xakaneeyo socdaalka sharicidarnada ah.
Dhankooda waxaa kulankan ka hadlay masuuliyiinta ka socday deegaanka herarida iyo ismaamulka deridhaba kuwaasi oo sheegay in iskaashiga wada jirka ah ee deegaanadu uu yahay mid muhiim u ah xakamaynta socdaalka sharcidarnada ah kuwaasi oo dhankooda balan qaatay in xoojin doonaan sidii looga wada shaqayn lahaa xakamaynta socdaalka sharcidarnada ah.
Waxaana kulankan lagu soo bandhigay daraasaad ka hadlaysa sidii siwada jir ah hay’adaha dawlada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu kaalin mug leh oo wada jir ah uga qaysan lahaayeen tir tirida iyo xakamaynta socdaalka sharcidarnada ah.