Jigjigada Koonfureed(Cakaaranews) Khamiis 12ka January 2017. Ololihii talaalka boliyada wareega 1aad oo ka socday Guudahaanba deegaanka ayaa gaar ahaan ay degmada jigjigada koonfureed si habsami leh ugasocdaa. Iyagoo ka fuliyay tuulooyinka,tuulooyin hoosaadyada iyo dhamaan santarada ay ka Koobantahay degmadu islamarkaana ay fulinteedu wadaan khabiiro caafimaad ah oo katirsan xafiiska caafimeedka ee degmada.
Hadaba madaxafiiseedka caafimeedka degmada jigjigada koonfureed mudane Maxamed Sheekh Xasan Xareed oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in talaalkii ama ololihii boliyada uu u Qabsoomay sidii loogu talagalay islamarkaana looga hirgalinayo dhamaan goobihii loogutalagay iyadoo Dabagal joogta ah lagu samaynayo intuu uu socdo ololuhu.
Sikastaba ha ahaatee talaalakan ka hortaga cudurka dabaysha ayaa loogu talagay caruurta da,doodu ka Hoosayso 5 sano ayaa wuxuu qayb kayahay qorshayaasha ay xukuumada dalka iyo deegaankuba u Qaateen in laga dabar gooyo guud ahaanba dalka